Wadani Oo Sheegay Inuu Taageersanyahay Shirka Wada Tashiga Qaran Ee Lagu Wareejiyay

32
565

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Wadani ayaa sheegay inuu taageersanyahay shirka wada tashiga qaran ee ay madasha wada tashigu ku wareejisay labada xisbi mucaarad.

Guddoomiye-xigeenka xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed, ayaa sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray oo u dhignaa sidan:  “Warkaas ay qoreen Wargeyska Saxansaxo ee ku taariikhaysnaa Sabti 26 October 2013 tirsigiisa 2002 ee ciwaanka looga dhigay “ Xisbiga WADDANI Oo Ku Gacan Saydhay Shirweyne Talo Qaran Ah Oo Madashu Xisbiyada Mucaaridka Ah Tunka U Saartay”  waa been abuur cad oo lagu jaahwareerinayo bulshada somaliland.

Xisbi ahaan waanu soo dhaweynaynaa shirkaas ay nagu wareejiyeen Madasha Wadatashigu, Xisbiguna wuu ka tashanayaa sida loo waajahayo.

Labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID waxay soo saari doonaan go’aan midaysan oo lagu waajahayo arrintaas.

Bulshada Somaliland iyo Madasha Wadatashigana waxaanu u cadaynaynaa in warkaas saxansaxo qortay yahay been abuur cad oo loola badheedhay in lagu kala dilo Madasha Wadatashiga iyo mucaaridka gaar ahaan Xisbiga WADDANI.

Waxanu bulshada leenahay ma jirto meel aanu ku diidnay ama ku gacan saydhnay shirkaas balse gacmo furan ayaanu kusoo dhaweynaynaa.

Md, Axmed Muumin Seed

Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI

Comments are closed.