Xukuuamdda Somaliland Oo Ka Hadashay Doorka Itoobiya Ee Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

0
1352

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay cid kasta oo Somaliya dhexdhexaadin karta oo aanay Itoobiyana ka madhnayn.

Waxa uu wasiirku sida oo kale uu si kooban uga hadlay in shirkii madaxweyne Biixi iyo raysal wasaaraha Itoobiya layskula soo qaaday wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaana wasiirku uu sidan u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA oo waraysi ka qaaday.

Ugu horayntii wasiirka waxa la waydiiyay kulankaas wadahadaladii Somaliya iyo Somalilad wax layskala soo qaaday“ Somaliland iyo Somaliya inay wada hadlaan arimaha ay isku maan dhaafsan yihiin iyo khilaafaadka jira iyo afkaarta siyaaadeed ee ay kala wataan in laga wada hadlo waa arimo mar walba dhaca maaha arimo maanta bilaabmay mar walba waa la soo hadal qaadaa, haday dalalka Geeska Afrika tahay iyo haday dalalka waaweyn ee caalamka ay tahayba had iyo goor way la soo qaadaan Somaliland qodobada la soo qaadayna waa ay ka mid ahayd.”

Waxa la waydiiyay wasiirka in raysal wasaaraha Itoobiya uu doonayo in uu meel wada fadhiisiyo madaxweyne Biixi iyo Farmaajo, waxaanu ku jawaabay“ raysal wasaaruhu inuu isbadalo Geeska ka wado waa la og yahay anaguna waa mid aanu ayidsanahay In Geeska laysku soo dhaweeyo dadkiisa ganacsiga iyo nolasha,nabadgalyadba in laysku soo dhaweeyo waa arimaha aanu waafaqsanahay taasna waanu u sheegnay, taas ku saabsan Somaliland iyo Somaliya raysalwasaaruhu waa uu soo hadal qaaday anaguna waxaanu u sheegnay hadaanu nahay Somaliland nabad iyo wada hadal iyo khilaafaadka Somaliya na dhex yaala in aan ka wada hadalno inaanu diyaar u nahay horena aanu u sheegnay imkana ay jiraan dadaalo caalami ah oo socda oo arintaas ku saabsan in wax lagaga qabto halkaas ayaanu ku eekaynay oo intaas ayuunbaan ka odhanayaa”

Ugu danbayntii waxa wasiir Faratoon la waydiiyay sida uu u arko hadii Itoobiya ay dhex dhexaadiso iyaga iyo Somaliya“ Anagu cid kasta oo aanu u aragno inay ka daacad tahay oo qaabka hawsha ay u qabanaysaa ay tahay qaab lagu gaadhi karo ujeedooyinkii la lahaa ee ahaa in khilaafaadka dhabta ah la dhameeyo diyaar ayaanu u nahay ama kuwii hore ha noqoto ama kuwo cusub oo danbe ha noqoto cidii loo arko marka la eego ajandaha iyo sida ay arinta u soo qabanqaabiyaan dabcan Somaliland diyaar ayay u tahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here