Wasiir Faratoon Oo Ka Jawaabay Hadalka Ay Xoghayaha Khaarajiga Waddani Ku Dhaliishay Socdaalkii Madaxweynaha Ee Itoobiya

0
1160

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka jawaabay eeddo uu xisbiga Waddani u jeediyay socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.

Wasiir Faratoon ayaa wuxuu soo dhaweeyay  qormo uu qoray aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah  American Enterprise Institute  Mr. Michael Rubin, oo qoraalkiisa ku sheegay in raadinta midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya ay amni daro ku keenayso gobalka Geeska Afrika.

Wasiir Faratoon oo u waramay Geeska Afrika oo ka hadlaya hadalka  uu xisbiga Waddani kaga jawaabay socdaalkii Madaxweyne Biixi ee Addis Ababa wuxuu yidhi   “Mucaaradnimadu maaha inaad dalkaaga ku mijabaaxinayso been iyo waxaan jirin, oo wixii horumar ah ee la soo hooyo in laga leexdo, oo dhaliilo aan jirin la doon-doono, waana nasiib daro aadna waanu uga xunahay Xisbi Qaran oo sidaas u hadlaya, oo xatta marka uu dalkiisu wanaag iyo horumar gaadho wax kale sameeynaya, oo mijaxaabinaya horumarka dalkiisa, anaga waxba na yeeli maayo, mana ah in Mucaaradku wax walba dhaliil ka dhigaan”.

Isagoo ka hadlaya maqaalka uu Michael Rubin qoray wuxuu yidhi  “Michael Rubin,waa nin xogogaal ah, waa nin wax-garad ah, waana nin khabiir ah,xaqiiqadana uu ogaaday,ayuuna Caalamka ugu fidinayaa, khaladka dadka ay fahansan yihiin, iyo sida aan xogogaal loo ahayn, ayey khubradu dadka fahan siiyaan, markaas si wanaagsan ayuu Michael Rubin, uga hadlay  qadiyada aqoonsiga Somaliland,”

Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya yidhi “Markii horeba xidhiidh fiican baynu lahayn Itoobiya, imikana uu sii xoogaystay xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal,  kalsooniduna aad bay u saareysa, wixii beenta ahaa ee markii horeba meelahaas laga shubi jiray dadweynuhu wey arkaan, Jabuutina waa wadan aynu jaar nahay, oo xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo, sidoo kale Dawlad ahaana  mar walba diyaar ayaanu u nahay in aanu Caalamka xidhiidh fiican la yeelano,”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here