Wada Hadalo U Socda Dawladda Itoobiya Iyo Jabhada Hubaysan ee ONLF

0
437

 

Nayrobi(Geeska)-Wada hadalo rasmi ah ayaa u socda dawladda Federaalka Itobiya iyo jabhadda hubaysan ee ONLF, waxaanay wada hadaladaasi ka socdaan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Sida ay shalay baahisay laanta afka Somaliga ee BBC-du, waxaa wada hadalkan ka qaybgalaya madax sare oo wasaarada Arimaha dibadda ee Itoobiya ka socata iyo Wafdi 7 xubnood ah oo ururka ONLF ka socda oo uu hogaaminayo cabdiraxmaan Maadeey, oo ah xoghayaha arimaha Dibadda ee ONLF.

Ilaa iyo hada warar badan lagama hayo arimaha laisla gaaray, balse waxaa jira in sideedii bilood ee la soo dhaafay ay jireen isu soo dhowaansho muuqda oo ku saabsan in uu heshiis rasmi ah dhexmaro itoobiya iyo ONLF. Waxaana howshani dhexdhexaadinaya dowladda kenya mas'uuliyiin ka tirsan. Kulankan waxaa ka horreeyey labo kulan oo hore oo Nairobi iyo London lagu qabtay.

Sida lagu wado hadii uu wada hadalkan horay u socdo, waxa ugu horeeya ee la isla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Itoobiya u dhaxeeya uu weli socdo.

Ka dibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qodobada lagu wada heshiinyo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awooda iyo maamulka gobolka Soomaalida.