“Wada-hadallda Garabka Maxamuud Xaashi Iyo Xisbiga Waddani  Is-afgarad Ayuu Ku Dhammaan Doonaa..” Xil. Hore NAC-NAC

0
590

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanadii hore Golaha Wakiillada kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan wada-hadallada u socda Garabka Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Xisbigiisa, waxaanu tilmaamay inuu ku rejo weyn yahay guul iyo is afgarad.

Siyaasi Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Waddani ee la filayo inuu maalmo ka kadib qabsoomo, Xukuumaddana ugu mahadnaqay mashaariic ay ka dhagax dhigtay Gobolka Hawd, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dabcan Garabka Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga Waddani, wada-hadallo ayaa u socda, waxaana filayaa in wada-hadallada Garabka Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga Waddani  guul iyo is afgarad ayuu ku dhammaan doono,is fahana waa la gaadhi doono”.

Mar uu ka hadlaayey Shirweynaha Xisbiga Waddani wuxuu yidhi “Maalmo yar oo aad u kooban ayaa inooga hadhay Shirweynihii labaad ee Xisbiga Waddani, waxaan wad iyo qadar ALLE ahayn inagama xigaan, wax walbana hadda sida loogu talagalay ayey u socdaan, si fiicana qaban-qaabadu wey u socotaa, waxaana filayaa in Shirweynahaasina wuu si nabdoon oo qurux badan inoogu dhammaado”.

Mar uu ka hadlaayey Mashaariic ay Dawladdu ka dhagax dhigtay Gobolka Hawad, wuxuu yidhi “Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba waan uga mahadnaqayaa xarumaha dawladda ee ay ka dhagax dhigeen Xarunta Gobolka Hawad ee Baligubadle, oo xaruntii Baanka ayaa ugu dambayey, waxaan se ku boorinayaa in aan Xukuumadda looga baahnayn dhisme dawladdeed oo qudha, ee ay jiraan waxyaabo badan oo iyana daruuriya, oo u baahan in wax laga qabto sida in la keeno Gobolka Riig biyaha soo saara, in Xukuumaddu doorkeeda ka qaadato Waddaddii oo ilaa hadda qabyo ah, waxaa kale oo looga baahan yahay Xukuumadda inay hoos u eegto adeega Caafimaad ee Gobolka iyo inay sidoo kale ka qayb qaadato laydh galinta deegaanada kala duwan ee Gobolka Hawad”

 

Geeska.net/Hargeisa Office