Dawladda Somaliland Oo Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda U Dirtay Dalka Maraykanka

0
468

Xukuumadda Joe Biden ee Dalka Maraykanka, ayaa qabanaysa shir gaar u ah Waddamada ay ka jirto Dimuqraadiyaddu sida Somaliland

Hargeysa (Geeska) – Warbaahinta Dunida oo Maalmihii u dambeeyay si weyn wax uga qorayey qadiyadda ictiraaf-raadinta ee Somaliland, ayaa sheegaya in xidhiidhka sii koraya ee Somaliland iyo Maraykanku ay fure u noqo karo aqoonsi Somaliland hesho.

War-bixin ay daabacday African Report, oo Ciwaan looga dhigay “Xidhiidhka sii kordhaya ee Maraykanku wuxuu fure u noqon karaa aqoonsiga Somaliland”, ayaa lagu sheegay in Somaliland oo Madax-banaanideeda Soomaaliya kala soo noqotay 30 sano ka hor markii Siyaad Barre Dawladdiisii burburtay ay ka faa’idaysatay isbeddellada ka ka socda Gobolka.

Warku wuxuu intaa ku daray inay ka faa’idaysatay Isbeddellada Gobolka, kaasi oo kor u qaaday sumcadda ay ku dhex leedahay siyaasiyiinta Maraykanka.

African Report wuxuu qoray “Somaliland waxay haysataa taageerada Maraykanka oo sii kordheysa si ay qaddiyaddeeda u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed.”

African Report waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waxa ay Washington u diri doontaa wasiirkeeda cusub ee arrimaha dibadda, Dr Ciise Kayd ka hor 25-ka bishan November”

Laakiin, Xukuumadda Somaliland ayaa Weftigaa dirtay muddada Wargeysku sheegay ka hor, iyadoo Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland uu Sabtidii gaadhay Dalka Maraykanka.

Weftiga Wasiirka Arrimaha dibedda, waxa ka mid ah Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf-raadinta Somaliland.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo masuuliyiin hore oo Maraykan ah – oo ay ku jiraan ugu yaraan saddex sarkaal oo Afrikaan ah oo hore uga tirsanaan jiray wasaaradda arrimaha dibadda – iyo xubin muhiim ah oo ka tirsan Congress-ka ay u soo ban-baxeen inay taageeraan sii xoojinta xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, sida ay daabacday African Report.

Safarkan, ayaa sidoo kale ku soo beegmaya Shirwaynaha Dimuqraadiyada oo lagu qabanayo Washington D.C.

Shirkan  ayaa waxa ka soo qaybgalaya wadamo ka badan 100, laakiin aan la shaacin Magacyadooda.

Shirweynaha Dimuqraadiyada ayaa socon doonaa December 9-ka December illaa 11-keeda, waxaana lagaga hadli doonaa khatarta Shiinaha.

 

Geeska.net/Hargeisa Office