Ruushka Oo U Soo Qalab-qaadanaya Inuu Quwadaha Kale Ee Adduunka Kula Loolamo Dalalka Qaaradda Afrika Ee Somaliland Ka Mid Tahay

0
628

Khuburro Ruush ah oo soo saaray War-bixin ka kooban 150 Bog oo ku aaddan Siyaasadda Ruushka Ee Afrika

Hargeysa (Geeska) – Dawladaha Adduunka, sida Maraykanka, Jarmalka, Faransiiska, Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ku loolamaya sidii ay xidhiidho wanaagsan ula samaysan lahaayeen Dalalka qaaradda Afrika, si ay mustaqbalka uga faa’idaystaan khayraadka noocyada badan leh ee ceegaaga Qaaradda.

Ruushka oo ka mid ah Dawladaha xilligan ugu awoodda badan dhaqaale ahaan iyo Millateri ahaanba Adduunka, ayaa ku soo biiray Dawladaha ku loolamaya Qaaradda Afrika.

Ruushka oo hore saamayn siyaasadeed iyo mid Millateriba ugu lahaa Qaaradda Afrika, balse markii uu burburay Midowgii Soofiyatii ka dib dhacay, ayaa hadda isku diyaarinaya inuu saamayntiisa siyaasadeed ku muujiyo Qaaradda Afrika isla-markaana abuuro xidhiidho uu la yeelanayo Dawladaha Afrika.

War-bixin ka kooban 150 bog oo ay diyaariyeen khuburo ka mid ah Jaamacadaha Dalka Ruushka, iyagoo gacan ka helaya Wasaaradda Arrimaha dibedda Ruushka, ayaa soo bandhigay sida aanu Ruushku xilligan wax saamayn siyaasadeed ah ugu lahayn Qaaradda Afrika iyo sida loogu baahan yahay inuu qaado Tallaabooyin muhiim ah oo u sahlaya inuu mar kale ka dhex muuqdo tartamada Dawladaha waaweyni ugu jiraan Afrika.

Khuburrada War-bixinta diyaariyey, ayaa sheegay in xilligan aanu Ruushku wax saamayn siyaasadeed ah ku lahayn Afrika, jirina siyaasad diyaarsan oo Afrika ku waajahan.

War-bixinta ayaa soo jeedisay xoojinta xidhiidhada siyaasadeed Ruushka ee Afrika ku waajahan, taasi oo ay xustay inay tahay waxa kaliya in diirada lagu saarayo sidii loo muujin lahaa Istaraatiijiyadda siyaasadda dibedda ee Ruushka ee ku saabsan Afrika “Waa inay qeexdo oo lagu daraa baahiyaha horumarineed ee dalalka Afrika” ayaa lagu sheegay War-bixin uu arrintan ka qoray Wargeyska The Modern Diblomacy oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay.

War-bixintu waxay xustay in qaababka uu Ruushku ku wanaajin karo xidhiidhka Afrika ay ka mid tahay isagoo sameeya Maalgeshi, hirgeliya Warshado wax soo-saar, taasi oo mustaqbalka keeni karta in Ruushku ka faa’idaysto khayraadka Qaaradda Afrika oo Shacabkeedu dhan yihiin 1.3 bilyan.

War-bixintu waxay sheegtay In dedaal kasta oo uu Ruushku sameeyo, haddana uu jiri doono tartan ka imanaya dawladaha diiraddoodu saaran tahay Afrika “Tobannaanka sano ee soo socda, waxaa jiri doona tartan la sii dardargelinayo oo u dhexeeya ama ka mid ah Quwadaha dibadda, kaasi oo ku saabsan helitaanka kheyraadka iyo saameynta dhaqaale ee Afrika.” Ayaa lagu sheegay War-bixintan oo ka kooban 150 bog.

War-bixinta ay soo saareen khuburrada Ruushku, ayaa ku talisay “Inkasta oo kobaca saamaynta Dawladaha dibedda ee Afrika jirto, haddana Ruushku waa inuu xoojiyaa oo dib u qeexaa xuduudihiisa joogitaankiisa Afrika….” ayaa lagu sheegay War-bixinta

War-bixintu waxay farta ku fiiqday Shiinaha oo ah Dalka koowaad ee firfircoon ee Afrika ku sugan, Saamaynta Hindiya ee sii kordheysa, sidoo kale ku lug lahaanshaha Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar, kuwaas oo ku cusub joogitaanka Afrika. Saamaynta iyo ku lug lahaanshaha Maraykanka, Japan, Kuuriyada Koonfureed, iyo Brazil ee  sanadaha soo socda.

War-bixintu waxay tilmaantay in Shiinaha, Midowga Yurub, Jarmalka, Turkiga, Spain, iyo kuwa kale ay horumariyeen xidhiidhkooda Afrika, iyagoo si oo si tartiib tartiib ah u fulinaya xeeladahooda ku saabsan xidhiidhkooda Afrika.

Dawladaha Afrika ee Dawladahan tartanku dhexmarayaa ay danaynayaan waxa ka mid ah Somaliland, taasi oo xilligan xidhiidh toos ah uu la leeyahay Imaaraadka oo mashaariic waaweyn ka wada Somaliland, Turkiga oo qunsuliyad ku leh iyo Taiwan oo aqoonsan Dawladnimada Somaliland.

Laakiin, marka Taariikhda dib loo raaco, Ruushka ayaa xidhiidh la lahaa Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee ay Somaliland ka mid ahaan jirtay, waxaanu xilligaa wax ka dhisay Dekedda Berbera iyo Garoonka diyaaradaha ee Berbera, sidaasi darteed waxa suurto-gal ah inay Somaliland ka mid noqoto dalalka ugu horeeya ee Ruushku la samaysto xidhiidhkiisa cusub ee Afrika.

Geeska.net/Hargeisa Office