Shirkii Madaxda Saxaafadda Afrika Oo La Soo Gunaanaday Iyo Geeska Afrika Oo Ka Qaybgalay

4
470

Picture5Addis Ababa (Geeska)- Shirkii madaxda saxaafadda qaaradda Afrika uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunt wadanka Itoobiya, ayaa xalay fiidkii la soo gunaanaday.

Shirkaas oo laba maalmood ka socday Addis Ababa, waxa soo qaban qaabiyay daladda ay ku bahoobeen madaxda saxaafadda Afrika ee African Media Intiative (AMI), waxaana ka qayb galay in ka badan 500 oo saxafi oo ka yimid qaaradda iyo dunidaba. Saxaafadda Somaliland waxa uga qayb galay tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo Xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed-Rashid Muxumed Faarax.

Kulanka xalay waxa lagu soo gunaanaday madal ay aragtiyo la xidhiidha saxaafadda isku dhaafsadeen qaar ka mid ah madaxda qaaradda Afrika iyo madaxdii saxaafadeed ee shirka ka qayb gashay.

Madaxweyne xigeenka Kenya William Ruto oo xafladii xidhitaanka ka hor kulanka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay ahmiyada ay saxaafadda oo la horumariyaa u leedahay qaaradda Afrika. Mar uu ka hadlayay xeer uu dhawaan Baarlamaanka dalkiisu ansixiyay oo saxaafadda cabudhinaya, wuxuu sheegay inaanu xeerkaas madaxweynuhu saxeexin isla markaana ay wada hadalo u socdaan dawladda, Baarlamaanka iyo Saxaafadda Kenya si xal looga gaadho dhibaatooyinka xeerkaas ku jira. Wuxuu sheegay in wadanka Kenya oo xoriyadiisa haystay 50 sannadood ay saxaafadda madaxabanaani ka mid noqotay noloshooda caadiga ah, sidaas daraadeedna ay adagtahay cabudhinteedu.

Raysalwasaare xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in saxaafadda Afrika ay waajib ku tahay inay ka shaqayso horumarinta qaaradda isla markaana ay ka qayb qaadato la dagaalanka macaluusha iyo faqriga.

Labada masuul  ee ka kala socday Kenya iyo Itoobiya, waxa halkaas lagu weydiiyay su'aalo dhawr ah oo ay saxaafadu si toos ah u weydiinaysay, waxaana mid walba su'aalaha la weydiiyay ku jiray su'aalo ad-adag oo khuseeya dawladahooda iyo dalalkooda.

Dr. Nkoszana Diami-zuma oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa iyaduna halkaas ka hadashay, sidoo kale madaxda Bangiga horumarinta Afrika ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad.

Shirka oo furmay khamiistii doraad, waxa furay raysalwasaaraha Itoobiya Hailamariam oo halkas ka jeediyay khudbad uu ku faahfaahiyay sida ay Itoobiya ugu faraxsantahay in dalkeeda lagu qabto shirka madaxda saxaafadda Afrika.

Comments are closed.