Wada-Hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya: Jugjug, Meeshaada Joog

0
408

 

Maxamed Xirsi

Qoraa, Dhakhtar Caafimaad & Daneeye Arrimaha Siyaasadda iyo Bulshada

Hordhac

Xidhiidhka Soomaalilaan iyo Soomaaliya waxa uu ka mid noqonayaa xidhiidhada cakiran ee ugu muddada dheer dunida. In kaste oo hadda 63 sannadood laga joogo midnimadii madmadowga badan lahayd ee labada dhinac, saluugga midnimadaa laga qaadayna uu ku bilowday sannad gudihii, haddana waxa uu dhabbo cunfi badan qaaday bilowgii siddeetaneeyada, qarnigii tagay, oo ay jabhad hubeysan iyo ciidanka dawladdu isu gacanqaadeen. Burburkii ka dhashay dagaalkaasi waxa uu u xuubsiibtay kala-fadhi siyaasadeed oo aan dhanna u dhicin. Ilaa maalinkii ay isu rogtay gacanqaadka, waxa ay gaadhaysaa afartan sannadood oo aan xal loo hollan.

Meelo badan oo dunida ah ayaa ay ka dhaceen, kana taagan yihiin, qaddiyado jiitamay. Falastiin iyo Israa’iil, Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya, Shiinaha iyo Taywaan ayaa ka mid ah qaddiyadaha daleed ee jiitamay. Ha se ahaato e, waxa ay kaga duwan yihiin middan Soomaalilaan iyo Soomaaliya waa in ay isugu jiraan kuwo iskood isu xalliyay, sida midda labada Kuuriya, iyo kuwo laga galay isku-dayo badan sida arrinta Falastiin iyo Israaiil. Taywaan iyo Shiinaha ayaa iyagana laga gaadhay is-afgaradyo ay ugu mug weyn yihiin in hal Shiine dunida ka jiro iyo in aan xoog lagu raadin xalalka siyaasiga ah ama aan awood lagu beddelin sida loo kala fadhiyo.

Sidaas oo tahay, dadaallo badanna loo galay sidii Soomaaliya oo burburtay dib loogu yabyabi lahaa loona heshiisiin lahaa, haddana ma ay dhicin in si gaar ah loo galo ama xal la isugu dayo qaddiyadda Soomaalida dhextaaal ee uu cinwaankeedu yahay ‘Soomaaliya iyo Soomaalilaan’. In badan oo ka mid ah naqwada Soomaalidu waxa ay isku dayeen in ay ku dhex xalliyaan ‘wada-hadallo loo qabtay ergooyinka qabiilladii uu dalku u kala daatay. Hawl-fudeydiyeyaasha shisheeye ayaa, iyaguna, kula dhaqmay arrintan hannaan labo tubood leh; Soomaalilaan oo gaar ah una baahan xal goor dambe ah oo ku yimaadda wada-hadal ay la gasho dawladda ka dhalan doonta Soomaaliya, iyo Soomaalilaan oo ka mid ah tubta dawlad loogu dhisayo Soomaaliya lagana martiqaaday ergo ku metasha dhammaan shirarkii loo qabtay Soomaalida. Siyaasaddaas tubaha badan ee ay dunidu kula dhaqmaysay Soomaalida, maamulladii Soomaalilaan u kala dambeeyay oo ka cagajiiday in ay wax xidhiidh ah la yeeshaan dhinacyadii ku ismanaa maamulka Soomaaliya, iyo maamulkaas oo aanay in badan waxba faraha ugu jirin ayaa beerdarreeyay fursad kaste oo wada-hadal ilaa la soo gaadhay 2012-kii oo markii ugu horreysay lagu riixay Soomaalilaan in ay ka qaybgasho shir loo qabtay dhinacyada Soomaalida, iyada oo loo tixgalinayo ka-gaar ahaanteeda siyaasadeed. Si kale, iyada oo lagula dhaqmayo isla hannaankii labada tubood lahaa; waa Soomaalilaan oo ka mid ah dhinacyada Soomaaliya, haddana ka gooni ah. Shirkaasi waxa uu ibafuray, markii ugu horreysay, wada-hadallo u curtay Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo ku bilowday habxume-u-socod gaagax ah oo hadba dhakhso u gudha.

Milicsi Taariikheed:

Midowgii Soomaalilaan iyo Soomaaliya kuma iman wada-hadallo siyaasadeed. Ka-bixiddii Soomaalilaan ee midowguna, sidoo kale, kuma iman wada-hadallo siyaasadeed oo labada dhinac dhex maray. Midowgu, weligii, ma noqon mid la isku wada raacsan yahay, waa se loo kala batay. Ka bixidda midowgu, sidoo kale, weligeed ma noqon mid la isku wada raacsan yahay, waa se loo kala batay. In sida loo badan yahay laga soo qaado in la isku wada raacsan yahay waa siyaasadda dabiiciga ah, dunida oo dhan. Ha se ahaato e, waa in ay hesho sharciyad gudeed iyo mid dibadeed oo, sida badan, ku timaadda wada-hadallo iyo heshiis laga wada-xaajooday qodobbadiisa.

Saddex iyo lixdan sannadood ka dib, waxa weli lagu muransan yahay in uu midow sharci ahi dhacay iyo in kale. Hannaanka sharci kolka la eego, ma dhicin heshiis midow oo ay labada dhinac kala saxeexdeen, mana jiro xeer midow oo mideysan oo ay labada dhinacba ansixiyeen. Wareegto Madaxweyne oo lagu meelmariyay midowgana looma beddelin xeer dhaqangal ah. Toddoba bilood ka dib isku-biirka, ayaa ay Xukuumaddii Jamhuuriyadda ‘Soomaalida’ ee curatay ku baraarugtay in aanay midnimo sharci ahi dhicin. Bishii January, 1961, ayaa dib loo qoray Xeer Midow oo laga ansixiyay Barlamaankii ku midoobay hannaankii la aqoonsaday in aanu sharci ahayn. Xeerkan dambe ma ay ansixin labada dhinac ee midoobay e, waxa cod hal-dheeri ah ku ansixiyay barlamaankii isku jiray oo ay in ka badan 2/3 ka soo jeedeen Soomaaliya (Soomaalilaan ma lahayn fursad iyo cod ay ku diidi karto ama wax kaga beddeli karto). Xeerkaas la ansixiyay January, 1961, ayaa lagu sheegay in uu dhaqangal noqonayo July, 1960 oo ka dhigan in uu yeelanayo dhaqagal raad-dambeed leh (retroactive)[1] (Foreign Areas Studies, 1982). Marna ma noqon xeer midnimo oo ay labo dhinac ansixiyeen e, waxa uu noqday xeer nidnimo oo ay diyaariyeen, ansixiyeenna, xukuumad iyo barlamaan mideysan oo ay sharciyaddooda midnimo duran tahay.

Midnimada sidaas ku timid waa lagu qasbanaaday, se lagu ma qancin, sida ka muuqatay marxalad kaste iyo dhacdo kaste oo ku saabsanayd qarannimada sida dhisiddii xukuumadda, aftidii dastuurka, gadoodkii cashuurta iyo mideynta mushaharaadka, iyo isku-daygii afgambiga militari ee Soomaalilaan oo intuba muujiyay in aan Waqooyi intiisa badan lagaga qanacsanayn nidaamka ka dhashay midowga. Dhacdada ugu dambeysaa waxa ay mudan tahay fiiro gaar ah. 10-kii Diisember, 1961, ku dhawaad sannad ka dib markii la dhaqangaliyay xeer cusub oo midnimo oo leh raad-dambeed, ayaa ay saraakiil reer Soomaalilaan ahi maleegeen afgambi ciidan oo ku kooban keliya Soomaalilaan, ujeedkiisuna yahay in midowga lagu buriyo. Sida caadiga ah, afgambi kama dhaco gobol ama meel aan ahayn xarunta looga taliyo dalka. Waxa ay saraakiishu ku kaceen waxa uu, dhab ahaan, ahaa fallaagow ciidan. Ha se ahaato e, waxa ay saraakiishan iyo in badan oo reer Soomaalilaan ahi ku tilmaamaan afgambi, waxana ay u badan tahay in saraakiishan laftoodu ku fikirayeen in ay afgambi ciidan ka sameeyaan mid ka mid ah labadii dal ee midoobay, si ay uga saaraan midnimada ay u arkayeen mid aan xaq iyo sharci toona ahayn. Afgambigani waa uu dhicisoobay, saraakiishii maleegtayna waxa la saaray maxkamad. Wax dambi ah waa lagu waayay, sababta oo ah ma jirin xeer qabanaya saraakiishan oo aan u dhaaran dawladda lagu midoobay ee Soomaalida[2] (Nur, 2018). Ka dib xukunkaas wiiqay sharciyaddii dawladda, waxa ay xukuumadda dambabastay dambigii oo waxa ay sheegtay in ay cafiday saraakiishan, se waxa ay dalka ka saartay garsoorihii xukunka riday oo Biritish ahaa. Mar kale ayaa ay dibedda timid in aanay midnimadu sharci ahayn, se lagama wada-hadal. Diidmada aftida Dastuurka lagama wada-hadal, kacdoonkii ciidanka lagama wada-hadal, goldaloollada sharciga lagama wada-hadal. Waxba lagama wada-hadal.

Muddo ka dib, waxa xilka ugu sarreeya fulinta dalka qabtay nin Soomaalilaan ka soo jeeda. Waa Maxamed I. Cigaal oo ahaa ninkii Soomaaalilaan ku hoggaamiyay midnimadaa fool-eriga ahayd. Cigaal ma uu muujin in uu dhugmo u leeyahay dareenka dadkiisa ee ku aaddan midowga la galay, mana uu dhaadin hiyiga Soomaali oo dhan ee ku aaddan dawlad ku dhisan xaqsoor, xorriyad iyo horumar oo leh gobonimadii lagu asteeyay Maandeeq. Waxa uu sii toociyay siyaasaddii hardanka naqwada siyaasadeed iyo qabiillada. Waxa uu dadaalkiisa oo dhan galiyay in uu mucaaradkiisa kaga adkaado xirfadda musuqmaasuqa, waxana uu siyaasad dabacsan ka qaatay qaddiyadihii waaweynaa ee Soomaalida sida gobolladii aan weli xoroobin. Waxa uu ku muteystay in ay xukunka ka tuuraan Ciidankii Xoogga Dalku oo uu galo 12 sannadood oo ah xabsi, si uu u jabiyo mid ka mid ah rikoodhada xadhigga siyaasiga ah ee taariikhda Soomaalida;

waxa uu ahaa siyaasigii labaad ee soo mara xidhiggii siyaasi ee ugu dheeraa, ka dib Yuusuf-Bardacad. Taliskii ka dhashay afgambigaasi waxa uu talada hayay 21 sannadood oo uu dalku ahaa xabsi dusha ka furan oo ku soo dhammaaday burburkii ugu darnaa ee ay Soomaalidu la kulanto inta taariikhdeeda la xusuusto. Magaalooyinka Soomaalilaan, intooda badani, markan ayaa ay saamiga ugu weyn ka heleen wax ay Soomaali wadaagtay. Ma jirto magaalo Soomaaliyeed oo u burburtay sida Hargeysa. Lagama wada-hadalin.

Dawladdii Soomaalida, oo uu magaceeda ugu dambeeyay ahaa ‘Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliyeed’, in kaste oo si qaldan dunida looga hirgaliyay ‘Soomaaliya’ oo ah magaca mid ka mid ah labadii dhinac, waxa ay burburtay 1991 oo uu diktaatoorkii talisku ka cararay Muqdisho. Lagama wada-hadlin waxii dhacay waxa ay u dhaceen, lagamana wada-hadlin waxii midowga ka qaldamay. Waxa, keliya, la sii ambaqaaday loollankii awoodda ee Muqdisho. Arrintaasi waxa ay sii xoojisay garabkii aadka u saluugsanaa midowga ee Soomaalilaan oo degdeg u meelmariyay qorshihii la noqoshada madaxbannaanida. Waxii ka dambeeyay 1991, waxa Soomaalilaan ka dhacay shirar badan oo inta lagaga hadlayay nabadeynta qabiillada iyo xoojinta amnigu ay ka badnayd inta lagu falanqeynayay siyaasadda.

Soomaaliya, iyadana, waxa dalka dibeddiisa loogu qabtay shirar badan oo ay dunidu hagaysay lagana hadlay qaabkii dib loogu dhisi lahaa dawlad. Ha se ahaato e, muddo 21 sannadood ah, ka dib burburkii dawladda, marna ma uu dhicin wada-hadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaalilaan oo lagaga wada-xaajooday qaddiyadaha midowga iyo kala-tagga. Arrintaas oo loo aaneeyo dawlad la’aanta Soomaaliya iyo diidmada Soomaalilaan ee in ay la hadasho maamulladii aan hanaqaadka ahayn ee laga dhisi jiray Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay, waxa saameynteeda ugu mudan lahayd in Soomaalida iyo dunida ku leg leh midna aanay daneyn arrinta Soomaalilaan iyo Soomaaliya, kolka ay galayaan siyaasadda Soomaalida ee ay qabyaaladdu murgisay.

Tubtii Wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya:

Bishii Feebarweri, 2012, ayaa ay Soomaalilaan, markii ugu horreysay, ka qaybgashay ‘Shirkii London ee Soomaaliya’. Waxa uu ahaa isbeddelkii ugu weynaa ee ay Soomaalilaan ka sameyso siyaasaddeeda arrimaha dibedda. Waxana ay dhalisay dood badan oo ku saabsan mawqifkan. Haddii la tixgaliyo doodda labada dhinacba, waxa Siilaanyo lagu tilmaami karaa hoggaamiyehii ugu dhiirranaa ee Soomaalilaan soo mara oo fura irridda wada-hadallada, isla markaana dhaqaajiyay biyo fadhiyay labaatan sannadood. Dhanka kale, waxa lagu tilmaami karaa hoggaamiyehii ugu horreeyay ee dabciyay qaddiyadda Soomaalilaan una muujiyay in ay tahay arrin sal-fudayd lagu dayi karo. Dawladda Biritan ayaa culeys badan ku saartay xukuumadda Siilaanyo in ay ka soo qaybgasho shirkan oo ay u qabanaysay qaybaha Soomaaliya. In kaste oo uu ku adkeystay in aanu shirkaa uga qaybgalayn si la mid ah qaybaha kale ee Soomaaliya, loona oggolaaday in uu ka jeediyo doodda Soomaalilaan ee ka baxsan xayndaabka Soomaaliya, haddana waxa uu shirkaasi sabab u ahaa in qayb ahaan la laalo xeerkii reebayay in galaangal siyaasadeed lala yeesho Soomaaliya. Waxa shirkaas xigay kulan fool-ka-fool ah oo ay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif yeesheen, bishii Juun ee sannadkaas, kagana wada-hadleen arrimo door ah, muhiimmada ugu weynina ahayd in ay ibafur u noqdeen wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya.

Intii u dhexeysay 2013 ilaa 2020, waxa qabsoomay toddoba kulan oo ahaa wada-hadallo rasmi ah oo ay fududeeyeen dalalka Turkiga, Imaaraatka, Jabuuti iyo, mararka qaar, diblumaasiyiin reer Galbeed iyo Itoobiya ah. Dhammaan wada-hadalladaasi waxa ay ka sinnaayeen in laga maagay gude-galka arrimaha masiiriga ah iyo ubucda khilaafka siyaasadeed. Toddobadaa sannadood, waxa heshiisyo ka soo baxay in aan kaalmada caalamiga ah la siyaasadeyn, in hannaan gaar ah ay Soomaalilaan ku hesho qaadhaanka dibedeed, in aan la siyaasadeyn waxii kaalmo horumarineed ah, in si wada-jir ah loola soo wareego maamulka hawada loona saaro guddi, iyo in laga fogaado waxii wax u dhimaya geeddi-socodka wada-hadallada iyo turxaan la’aanta. Sidoo kale, waxa la isku afgartay in la iska kaashado dhinacyada is-dhaafsiga xogaha sirdoonka, la dagaallanka argagixisada, xagjirnimada iyo budhcad badeedda, iyo la dagaallanka in walxaha sunta ah lagu qubo biyaha Soomaalida. Waxa kale oo kulamada qaarkood ka dhashay guddiyo labada dhinac ah oo sii wada wada-hadallada ama soo bisleeya arrimo gaar ah.[3] (Muhumed, 2019)

Dhammaan shirarkaas loo qabtay wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya, oo qaatay sannaddo badan, waxa ay ku guuldarreysteen in ay furaan wada-hadal ku saabsan arrinta ay isku hayaan labada dhinac. Qodobbada la isku afgartay waxa ay, intooda badan, ahaayeen kuwo lagu asturayay madhaleysnimada shirarka ama waxa lagaga baaqsanayay in lagu dhiirrado qaddiyadaha asaasiga ah. Sidaas ma ay noqdeen haddii ay heshiisyadani tubta u xaadhi lahaayeen wada-hadallo dhab ah oo ku saabsan xidhiidhka siyaasadeed ee labada dhinac. Sidaas oo ay tahay, qodobbadii lagu heshiiyay, inta ugu badani, ma ay fulin ama waaba laga baxay, qaarkoodna marka horeba ma lahayn nuxur aan ahayn geed-kaga-kac.

Dhibaatada Dhexdhexaadin La’aanta:

Soomaalilaan waxa ay ilaa heer ku suntanayd, soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, faragalin la’aan. Arrintaasi waxa ay, in badan, u ahayd ammaan. Ha se ahaato e, waxa kale oo ay ahayd iin siyaasadeed oo aan la dhaaddanayn. Waqtigii ay burburtay Dawladdii Soomaalidu ee ay colaadaha sokeeye baahayeen, 1991, isku duruuf ma ay noqon Waqooyiga iyo Koonfurtu. Dhab ahaan, markii ay burburka iyo colaaddu ka bilowdeen Muqdhisho ee laga qaxayay, ayaa dib loogu noqonayay Hargeysa oo ay dhammaanayeen colaadihii sannaddada badan socday ee laga qaxay. Sidaa awgeed, waxa ay faragalintii dunida ee burburka ka dib ku koobnayd Koonfurta, waqti ay Waqooyigu isu xallinayeen qaab u gooni ah. Shirarkii is xigxigay ee dib u heshiisiinta Soomaalilaan waxa ay dunida ugu muuqdeen qabiillo ku shirayay meel fog oo dunida ka mid ah kuna meersanayn wax duruufo ah oo faragalin mudani.  Gooni-isu-taaggii ka dhashay shirarkani ma uu noqon arrin cid gaar ah oo shisheeye ahi daneynayso, kol haddii aan cidna laga qaybgalin ama lagu martigalin in ay gacanqabato. Sidoo kale, waxa ay ku soo beegantay marxalad uu dunida ka dhacay isbeddel weyn; waxa furfurmay Midowgii Soofiyeti, waxaana saameynta dunida ku keliyeystay Maraykanka iyo xulufadiisa. Waxa meesha ka baxay awoodihii dunida, ama goboleed, ee u tartamayay aagagga galaangal, waxana sidaa ku qiimajabay aagaggii lahaa istiraatiijiyadda dhuleed. Dhanka kale, dalal badan oo xayndaabka goboleed ah, sida Afrika iyo Dunida Carabta, ayaa riixayay in arrimaha ‘goosashada’ la xidhiidha aan siyaasiyan loola dhaqmin. Sannadkii 2005, waxa uu Midowga Afrika u soo diray Soomaalilaan guddi xaqiiqo-raadin ah waxana ay gaadheen gunaanad ah ‘in Soomaalilaan tahay xaalad khaas ah oo ku sababeysan taariikhda siyaasadeed ee Afrika’ oo ay tahay ‘in aan lagu dabrin cabsida ah in, haddii la aqbalo, ay dalalka Afrika kala furfurmayaan’. Waxa ay warbixintu ku talisay ‘in midowga Afrika uu raadiyo qaab uu kula dhaqmo xaaladdan muddada taagan’ (International Crisis Group, 2006).[4] Sidaas oo ay u qeexnayd, u xoogganayd una heersarreysay warbixintu, haddana kuma ay guuleysan in la gaadhsiiyo heerka wasiirrada dibedda ee dalalka Midowga Afrika, sababahaa aan kor ku xusnay awgood.

Muddo aad u dheer, ma ay jirin dhiirranaan iyo doonis xooggan oo ay dalal ama ururro saameyn lehi u muujiyeen furdaaminta qaddiyadda Soomaalilaan, iyaga oo qaadanaya kaalin dhexdhexaadin ah ama cadaadinaya in ay dhinac u dhacdo. Ka-gaabsigaas ayaa ka muuqday dhammaan wada-hadalladii dhacay oo dalalka martigaliyay ama hawl-wadeennada ay u xilsaareen waxa ay kaalintooda aad ugu koobeen in ay gogosha oo keliya dhigaan, in ay xidhiidhka iyo qabanqaabada fududeeyaan, se aanay isku dayin dhexdhexaadin, u kala dabqaadid iyo dabagalka fulinta waxii lagu heshiiyo. Maqnaanta dhexdhexaadiye firfircoon waa ay lumisay xilkasnimadii ay dhinacyadu ku wada-hadli lahaayeen, masuuliyaddii ay qaadan lahaayeen, iyo in la isku hawlo horumar dhab ah in laga sameeyo wada-hadallada. Waxa ay arrintaasi qayb ka noqotay in wada-hadalladu ay midho-dhali waayaan.

Farsamo-darrooyin Wada-hadal:

Mawaaqifta labada dhinac, shaki la’aan, aad ayaa ay u kala fog yihiin heer ismari-waa. Wada-hadal kaste oo ku saabsan qaddiyad ‘madaxbannaani’ iyo ‘midnimo’ waxa uu u baahan yahay in loo jajabiyo qaddiyad-hoosaadyo iyo mabaadi’ laga soo wada-xaajoodo lagana heshiiyo si loo gaadho wada-hadalka qaddiyadda ugu weyn. Farsamayahanno wada-hadal/wada-xaajood ayaa dejin lahaa xayndaabyada wada-hadalka; sida mabaadi’da la isla qirsan yahay, marjiciyadaha loo wada noqon karo, qeexitaannada eraybixinnada iyo ujeeddada eraybixinnada la isla aqoonsan yahay, iyo u gogolxaadhka doodda masiirka. Xayndaabyadaas oo dhani waxa ay toos ula xidhiidhaan qaddiyadda guud, dood ahaanna waa ka fudud yihiin, waxana ay fududeynayaan seesna u dhigayaan wada-hadalka qodobbada masiiriga ah.

Wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya ma ay helin diyaarin farsamo oo hannaankaas u nidaamsan. Waxa ay u dhexeeyeen in furitaanka kulanka la isku dhaafsado mawaaqifta muqaddaska ah, ka dibna jare oodan la galo, iyo in laga wada-hadlo arrimo aan xidhiidh toos ah la lahayn qaddiyadda asaasiga ah, sida kaalmooyinka horumarineed iyo dhaqaale, iyo iskaashiga nabadgalyada. Farsamo-darrooyinkaas wada-hadal, oo in badan ka yimid maqnaanshaha kaalintii dhexdhexaadiye, ayaa noqday mid ka mid ah carqaladaha ugu waaweyn ee ay wada-hadalladu u hagaaseen.

Labada dhinac ma ay dalban dhexdhexaadin toos ah, kamana ay shaqeyn in ay yeeshaan guddiyo farsamo oo aqoon u leh dejinta, qodobbeynta iyo fududeynta xayndaabyada wada-hadallada. Waxa inta badan hawlaha loo idmanayay xubno wasiirro ah oo aan farsamoyahanno ahayn, kuwaas oo hoggaamiya wada-hadallada iyo mawduucoodaba. Marar badan, kolkii uu kulanku furmo ayaa laga wada-hadlayay waxa ay tahay in laga wada-hadlo.

Wada-hadallo aan Mudnaan u lahayn Soomaaliya:

Mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida, oo xog-ogaal u ah siyaasadaha Soomaalida, ayaa maalin igu yidhi: ‘Soomaalilaan waxa ay ka mid tahay qaddiyadaha u xallisan waxgaradka siyaasadda ee Soomaaliya. Waa arrin ay meel ku og yihiin oo aan ku hayn wax cidhiidhi siyaasadeed ah, maaddaama oo aanay ka soo qaybgalayn, metalan, doorashada soo socota, ergo aanay uga baahnayn isla markaana saamigeedii siyaasadeed aanu madhnayn ee cid la geysan karo. Soomaalilaan waxa ay u tahay arrin u xallisan oo aan uga baahnayn xal.’

Ka dib soddon sannadood oo dadaal loogu jiray dawlad shaqeynaysa, waxa Soomaaliya ka hanaqaadday dawladnimo u eeg midda Lubnaan. Waa dawlad aad loogu loollamo xukunkeeda, aad la isugu xifaaleeyo, aad loo maalgashado siyaasaddeeda, aadna ay ugu lug leeyihiin kooxo iyo dawlado kala duwani. Sidaas oo ay tahay, ma aha dawlad leh sifooyinka dawlad dhab ah oo ay ka mid yihiin in ay dhulka oo dhan ka taliso, in ay madaxbannaan tahay iyo in ay isku filan tahay. Soomaaliya, loollan xiiraya ayaa ay koox kaste ugu jirtaa xukun maamul oo in badan ku tiirsan xoogagga Midowga Afrika iyo naadiga Xalane ee caalamiga ah. Sidaa awgeed, cid kaste oo aan si firfircoon uga qaybgalin loollanka siyaasadeed ee xukunku uma laha mudnaan waxgaradka siyaasadeed ee Soomaaliya, kuwa taliya iyo kuwa talada u ordayaba. Waxgaradkan, muhiimad badan uma leh in ay dawladda Soomaaliya gaadho dhulka ay ku isman tahay oo dhan, sidaa awgeed dan badan kama laha cid aan saameyn ku lahayn doorashada soo socota. Isla kooxaha xagjirka ah ayaa, muddo dheer, ku bulaalay Koonfurta Soomaaliya oo aanay maamulladii kala dambeeyay dadaal la taaban karo galin in ay ka xoreeyaan dhulka ay haystaan, sababta oo ah kooxaha xagjirka ahi si firfircoon qayb ugama aha doorashooyinka iyo loollanka siyaasadeed. Kolkaa, arrintoodu ma laha mudnaan siyaasadeed.

In aanay wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya mudnaan u lahayn waxgaradka siyaasadeed ee Soomaaliya waxa ay, markaa, ahayd caqabad weyn oo hagaasisay kana dhigtay madhaleys. Marar badan ayaa ay Soomaalilaan ka cabatay in aanu dhinaca Soomaaliya dib u eegin kuna dhaqmin qodobbada lagu heshiiyo, mararna waxa ay kulamadii loo ballamay u baaqdeen in aanu waftigii Soomaaliya soo laaban, sababta oo ah wada-hadalladu uma aha mudnaan dawladeed iyo mid siyaasadeed toona.

Mustaqbalka Wada-hadallada:

Toddobadii sannadood ee la soo dhaafay waxa ay ahaayeen sannadadii ugu xiisadda badnaa Soomaalida, ilaa burburkii. Madaxweyneha Soomaalilaan, Muuse Biixi, iyo Maxamed Farmaajo, Madaxweynehii hore ee Soomaaliya, ayaa labadooduba kiciyay xiisado siyaasadeed iyo qabiil oo werwer ku dhaliyay qaybo ka mid ah bulshooyinka Soomaalida ee labada dhinacba oo keenay colaado saameeyay Soomaalilaan iyo kuwo khatar galiyay Soomaaliya (Muqdisho). In kaste oo ay labada hoggaamiye yeesheen kulamo fool-ka-fool ah, kuna sigteen in, markii ugu horreysay wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya, ay ku kulmaan Hargeysa, haddana waxa uu xidhiidhku gaadhay halkii ugu xumeyd ee labada dhinac, iyada oo ay ugu wacan tahay sansaanka hoggaamineed ee labada nin iyo abbaarkooda siyaasadeed.

Hadda, hoggaankii Soomaaliya waa uu isbeddelay. Ha se ahaato e, sidii caadada ahayd, waxa uu mudnaanta siinayaa arrimaha la xidhiidha sedka kooxdiisa ee doorashooyinka soo socda iyo la dagaallanka Alshabaab oo ay riixayaan isla ajendeyaasha siyaasadeed ee doorashooyinka iyo waqtiga isa sii guraya ee joogitaanka ATMIS. Soomaalilaan, iyana, waxa ay ku jirtaa xaalad siyaasadeed oo aad u adag. Dagaallo sokeeye, oo ay ku lug leeyihiin kooxo ka baxsan Soomaalilaan, ayaa ka qarxay bariga, isuna sii rogaya weji qabiil. Waxa, isaguna, gaabis ku socda hannaankii doorashooyinka oo horeba u keenay muran badan, muddo dhaaf iyo qulqulatooyin nabadgalyo.

Duruufahaas siyaasadeed iyo nabadgalyo ee labada dhinacba ka jira, iyo arrimihii ay hore ugu dhutinayeen wada-hadalladu oo sidii u jira, ma muuqdaan fursado badan oo lagu anbaqaado wada-hadalladii Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Si kale, dhinac kaste waxa horyaalla arrimo kale oo uga mudnaan badan, kana dhow, in ay hadda galaan wada-hadallo lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee labada dhinac. Dhawaan, waxa uu Xasan Sheekh caddeeyay in xukuumaddiisu ay sannadkan leedahay bartilmaameedyo qaran oo ay ka mid yihiin; (a) in dalka laga xoreeyo Alshabaab, (b) in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka – oo hadda laga qaaday, (c) in la dhammeystiro cafinta daynta, iyo (d) in la aqbalo xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) – oo ay hadda ku biirtay[5] (Dhaysane, 2023 ). Kuma uu darin in wada-hadal uu la furo Soomaalilaan uu u yahay bartilmaameed qaran ama qorshe dhow. Xasan waxa kale oo uu doonayaa in uu isbeddello taaktikeed oo leh saameyn sharci ku sameeyo siyaasadda Soomaaliya. Sidaa awgeed ma doonayo in uu galo arrin dadaalladiisa murgin karta, sida in Soomaalilaan qayb ka noqoto ama lagu xidho isbeddellada siyaasadeed ee Muqdisho. Waxa ay arrintani qayb ka tahay sansaankii siyaasadeed ee Soomaaliya oo ah in ciddii siyaasadda ka maqani ay la maqan tahay culeys.

Dhinaca dibedda, in kaste oo cadaadiska ay Xasan Sheekh saarayaan ay ka mid tahay in arrinta Soomaalilaan iyo Soomaaliya heshiis laga gaadho, si loo qabyotiro Dastuurka loona dhammeystiro arrimaha la xidhiidha madaxbannaanida daleed ee Soomaaliya oo weli lagu maamulo Cutubka 7aad ee Axdiga Goleha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, haddana, dunida saameynta ku leh siyaasadda Soomaalida waxa horyaalla arrimo ka degdeg badan wada-hadallo; beesha caalamka waxa mudnaan hore u leh arrimaha ku saabsan doorashooyinka iyo nabadda Soomaalilaan, muddada awoodda ATMIS  ee sii dhammaanaysa iyo werwerka ay leedahay in Soomaaliya qaaddo dhabbihii Afgaanistaan, iyo dhammeystirka dastuurka iyo shuruudaha amni iyo dhaqaale ee laga sugayo dawladda Soomaaliya oo gacmo-daalis noqotay hadda, ka dib tobaneeyo sannadood oo ay soo jiitamaysay.

Gunaanad:

Wada-hadalladu waa tubta ugu habboon, uguna khasaareha yar, ee lagu furdaamin karo murannada iyo qaddiyadaha siyaasadeed, inta badanna waa istiraatiijiyadda ugu dambeysa, haddiiba marka hore la tijaabiyo istiraatiijiyadaha kale sida dagaalka iyo cunfiga. Sidaas oo ay tahay, mushkiladda siyaasadeed ee Soomaalilaan iyo Soomaaliya ma jiro qaab loo holladay, cidma uma ay heellanayn. Muddo aad u dheer, Soomaalilaan waa ay diiddanayd wada-hadal, Soomaaliyana kama jirin dawlad wada-hadal gali karta ama mudnaan siinaysaa. Kolkii wada-hadal la bilaabay, waxa loo bilaabay qaab dhayalsi leh, waa lala marinhabaabay, mana iman wax qasbaya in uu mudnaan siyaasadeed yeesho. Duruufaha siyaasadeed ee hadda ka jira labada dhinacba iyo qodobbada hortabinta u leh, iyaga iyo beesha caalamkuba, weli, fursad weyn uma banneynayaan wada-hadallo xal lagaga gaadhayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaalilaan iyo Soomaaliya.

Hadda, fursadaha wada-hadalladu ma badna. Ha se ahaato e, laga fursan maayo in ay labada dhinac si dhab ah oo toos ah uga wada-hadlaan qaddiyadaha masiiriga ah lagana gaadho hannaan lagu jidbixinayo. In ay wada-hadalladu dhab iyo midho-dhal noqdaan waxa ay ku xidhan tahay ilaa heerka laga durko dhaqankii hore loogu tijaabiyay, cagajiidkii siyaasadeed ee ku lammaanaa, dhexdhexaadiyeyaashii wada-hadallada ku lahaa dhawrsiga martiyeed, iyo heshiisyadii geed-kaga-kaca ahaa.

Xigashooyinka Tixraac

  1. Harold D. Nelson,. (1982). Somalia, a country study. Washington DC: Foreign Area Studies,The American University.
  2. Foreign Areas Studies. (1982). Somalia, A Country Study. Washington, DC: American University.
  3. Nur, D. H. (2018, Febuary 21). The Rebirth Of Somaliland (4): The 1961 Aborted Military Coup. From https://www.horndiplomat.com
  4. Muhumed, M. M. (2019). The Somaliland-Somalia Talks in 2012-2015: A Critical Appraisal. Mogadishu University Journal, 12 – 17.
  5. International Crisis Group. (2006, May 23). Somaliland: Time for African Union Leadership. From https://www.crisisgroup.org
  6. Dhaysane, M. (2023 ). UN Security Council to lift arms embargo on Somalia next month: President. Ankara : Anadoulu Agency. From Anadoulu Agency .

1 https://www.marines.mil/Portals/1/Publications/Somalia%20Study_1.pdf

2 https://www.horndiplomat.com/2018/02/21/the-rebirth-of-somaliland-4-the-1961-aborted-military-coup/

3 https://mu.edu.so/wp-content/uploads/2022/05/SSJ-V4-article-1.pdf

https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/somaliland-time-african-union-leadership

https://www.aa.com.tr/en/africa/un-security-council-to-lift-arms-embargo-on-somalia-next-month-president/3065059