Xoghayihii hore ee Arimaha Debadda Maraykanka; Jenday Frazer oo ugu Baaqay Dawladeeda inay Aqoonsadaan Somaliland

0
164

Hargeysa (geeska) Xoghayihii hore ee Arimaha debedda Jenday Frazer oo ah xoghayihii arimo debedeed ee Somaliland yimaada inti Somaliland gooni isutaaga qaadatay. Jenday ayaa Somaliland timi sanadkii 2008 kii, xiligii kumadii Daahir Riyaale, waqtigaas oo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland ahaa mid xiliyadii u ugu wanaagsanayd.

Hadaba Kaaliyihan  hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka una qaabilsanayd Afrika, Jenday Frazer iyo aqoon yahan u dhashay dalkaas oo la yidhaahdo Oliver Smith, ayaa warbixin wada jir ay u soo saareen dhawaan ay ku booriyay dawladda Washington inay aqoonsato Somaliland.

Warbixintan oo ka koobnayd 11 bog, waxa daabacay Machadka Hoover oo ka tirsan Jaamacadda Stanford University, waxana Jenday Frazer iyo khabiirkaasi ay sheegeen qulqulatooyinka ka jira Laascaanood aanay meesha ka saarayn in la aqoonsado Somaliland, waxayna bayaamiyeen in dalka Kosovo uu soo maray duruufo noocan oo kale ah, haddana maamulkii Madaxweyne George W. Bush uu aqoonsaday sannadkii 2008dii, isla markaasna qaab la mid ah hannaankaas ay Maraykanku ku garwaaqsan karaan aqoonsiga Somaliland.

Waxa ay caddeeyeen in xaaladaha ka taagan waqooyiga Kosovo oo ay shacbi Seerbiyiin ahi ku diidan yihiin madax bannaanida qarameed ee dalka Kosovo, duruufo kuwaas shabahaa ay ka jiraan bariga Sool, Xukuumadda Somaliland u aragto in cidhifka bari ee ay ku taallo Laascaanood ay sabab u tahay dagaalka ka dhacay, maadaama oo Puntland ku sheeganayso gobolka Sool hayb qabiil.

Jenday Frazer iyo Oliver Smith waxay sheegeen in Maraykanku masaalix badan la wadaagi karo Somaliland oo ah dal nabdoon oo dimuqraadi ah, iyadoo bogcada istaraatajiga ah ee ay ku taallaa dhinaca ku hayso marinka baabul-mandab iyo badda cas. Sidoo kale waxay sheegeen in ay Somaliland la jaar tahay Jabuuti oo ay saldhigyo millatari ku leeyihiin Maraykanka, Shiinaha iyo Faransiisku.

Dhinaca kale, waxa ay iftiimiyeen in cilaaqaad dhex mara Somaliland iyo Maraykanku uu xoojin doono in Washington danaheeda ku fidiso qaaradda Afrika.

Jenday Frazer iyo Oliver Smith waxa ay ku doodeen in aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland uu waxtar u leeyahay kaalin gelinta ganacsiga dalkaas.