Deeq Bixiyayaasha Oo Somaliland U Soo Diraya Wefti Culus Oo U Socda Arrimaha Doorashada

0
967

Hargeysa(Geeska)-Dalalka deeq bixiyayaasha ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorasho ee Somaliland, ayaa wefti miisaan culus leh u soo diraya Somaliland.

Weftigan oo isugu jira dalalka UK, Sweden, Norway, ururka Midowga Yurub iyo Maraykanka, ayaa waxa ay ujeedadoodu tahay sidii ay madaxda Somaliland ugala hadli lahaayeen in xal loo helo caqabadaha kala duwan ee hortaagan doorashada golaha wakiilada oo la qoondeeyay dabayaaqada sanadkan inay qabsoonto  balse ay rajadeedi weli adagtahay.

Waxa ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, hoggaamiyayaasha WADDANI, KULMIYE iyo UCID, guddiga doorashooyinka iyo ururada bulshada.

Weftigan oo ah kii ugu miisaanka cuslaa ee ay dalalka deeq bixiyayaashu u soo diraan Hargeysa, ayaa waxa ay u muuqdaan inay ka niyad jabeen isfaham waaga siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada Somaliland ee caqabada ku noqday inay doorasho qabsoonto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here