Wada Hadaladii Labada Dal Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Shalay Rasmi u Furmay, Qodobada La Isla Soo Qaaday Iyo Kulanki Cashada Ahaa Ee Xalay

2
525

ukLondon(Geeska)-Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa shalay gelinkii dambe si rasmi ah uga bilaabmay duleedka bari ee magaalada London, oo uu ku yaalo guriga qadiimiga ah ee Chevering House oo noqon doona hoyga ay kulamadu ka dhici doonaan islamarkaana noqon doona goobta rasmi ahaan loo dejiyay labada wefti.

Wada hadalka oo ay gadhwadeen ka tahay dawladda Ingiriisku, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay, waxase ay ilo xogogaali sheegeen inuu markii hore ku furmay hadalo kooban oo ku saabsan ujeedada kulanka iyo weliba sida ay beesha caalamku u danaynayso inay Somaliland iyo Somaliya is horfadhiistaan. Intaas ka dibna waxa loo kala baxay inay labada ergo ee ka kala socotay Somaliland iyo Somaliya soo bandhigaan aragtiyahooda iyo weliba midhaha ay ka doonayaan inay ka soo baxaan wada hadaladan. Warku wuxuu sheegay inay diblomaasiyiin ka tirsan Ingiriiska, Norway, Imaaraadka Carabta iyo Qatar markii hore dhex fadhiyeen wada hadalka labada dhinac, balse markii dambe loo kala baxay labada wefti ee ka kala socday Somaliland iyo Somaliya. Waxaana shalay aad looga wada hadlay qodobo ay soo diyaariyeen dawladda Ingiriiska iyo dawladaha kale oo la xidhiidha waxyaabaha ay Somaliland iyo Somaliya iska kaashan karaan ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo ay labadaas ku hoos jirto la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeedu.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Somaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud, ayaa mar lagu jiray wakhtiga biriirifta wuxuu telefoon ugu waramay Telefishanka Universal, isagoo sheegay in wada hadalku ku bilaabmay jawi degen. Laakiin wax war ah lagama helin dhinaca weftiga Somaliland. “Muhiimadu waxa weeye inay gudidani tahay gudi farsamo oo bilaabaya qaabkii loo wada hadli lahaa iyo qaabkii loo wajahi lahaa wakhtiyada soo socda, markaas imika wax meel gaar aha laga bilaabay ma jiraan.” Ayuu yidhi wasiirka dawladda Sheekh Shariif.

Mar la weydiiyay inay kulmayaan Somaliland iyo Somaliya oo keliyaati iyo in la dhex fadhiyo, wuxuu yidhi “Imika Somalida oo kaliyaata ayaa fadhida, bulshada caalamkuna hadeer waynala joogeen, lakiinse hadda Somalida oo kaliyaata ayaa fadhida.”

Geesta kale, waxa ay warar xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika inuu labada wefti xalay casho sharaf u sameeyay wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mr. Henry Bellingham, waxaana casho sharaftaas goob joog ka ahaa diblomaasiyiinta reer Yurub qaarkood iyo safirka Itoobiya ee magaalada London.

Xalay saqdii dhexe ayaa la soo gunaanaday wada hadalada, waxaanay dad xogogaala oo aanu la xidhiidhnay noo sheegeen in duhurnimada maanta la qaban doono war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wada hadlay.

Comments are closed.