Oday Qaybe iyo Xog-Warankii Somallia

0
573

Picture1Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), qaybtan maanta ee u dambaysa xog-warankiisa, wuxuu kaga hadlayaa halkii uu ku sugnaa markii ay dawladii Somaliya ku dul burburtay Maxamed Siyaad Barre, waxa kale oo uu kaga hadlayaa wada hadalka Somaliland iyo Somaliya u bilaabmay, isagoo ku soo hal qabsan doona kulan uu golaha ammaanku qabtay 1950-kii oo uu ka baxay safiirkii Ruushka ee wakhtigaasi.

Qaybe, markii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre, burburtay wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda, isagoo ka hadlaya halk uu ku sugnaa iyo sida uu warku ku soo gaadhay wuxuu yidhi “Waxaan lacag u doonay dalalka Qatar , Sucuudiga, Kuwayt iyo Imaaraadka oo  yidhi waxaan idin siinaynaa 70 milyan oo Dollar, markaas ayuu yidhi ( Siyaad Bare ) adigu inoo doon lacagtaas oo Qatar  ayaa markaas gudoomiye u ahayd Khaliijka, markaas dagaalkiibaa sii socday, Imaaraadkaan tagay dagaalkiibaa sii socday, Sucuudigaan tagay dagaalkiiba wali sii socday, deetana Qaahiraan tagay oo wasiirkii arimaha dibada Cabdal Majiid oo markii hore aanu UN-ka laba safiir ka wada ahaan jirnay ayaa yidhi diyaarad baanu u diraynaa safiirkayagii oo wali gurigiibuu ku jiraa, maxaan halkaas u diraa, ayuu uu iwaydiiyay markaas waxaan ku idhi raashin u dir oo diyaarada ka buuxi.

Dagaal aad u xunina waxa uu socdaa dhawr iyo toaban casho, sagaashan nin oo odayaal ahina waa ay shirayaan bal in xal la helo, markaas waxaan tagay Geneva, qaybta qaramda midoobay ee masiibooyinkaoo nin aanu saaxiibo ahayn oo safiir ahaa uu haysto, markaas kii oo lay balamiyay inaan salaada la kulmo  ayaa layga soo wacay Xamar oo lay yidhi odaygii [Siyaad Barre] meeshii waa laga saaray, waxaan is idhi waar malaa wa abeene waad riyoonaysaa, waan yaabay, diyaarad baanan London u raacay.”

Ugu dambayn, wuxuu  Qaybe ka hadlay wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaanu soo jeediyay mar haddii uu Sheekh Shariif ku soo daray wada hadalka xubno reer Somaliland ah, inaan la qaadicin ee la horfadhiisto si loo difaaco qaddiyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa muuqata in khilaaf ka jiro bulshada iyo xukuumadda, kaas oo ku saabsan in aynu ka qayb galno iyo in kale shirka ay weftiga Sheekh Shariif xubno wasiiro dhalahaan ka soo jeeda Somaliland ku soo daray. Anigu fikirkayga gaaban waxay ila tahay in shr kasta oo Somaliya loo qabto aynu ka qayb galno cid kasta weftiga xubnihiisu ha noqdaane, si aynu qadiyadeena u difaacno. Maadaama oo ay dawladaha adduunku shirarkaas danaynayaan haddii aynu ka maqnaano go’aano aan dan inoo ahayn ayaa ka soo bixi doona, Somaliduna waxay tidhaahdaa ninkii seexdaa sicii dibi dhalay. Waxa xusid mudan 1950-kii ayaa dawladii waqooyiga Kuuriya ee shuuciga ahayd Koonfurta Kuriya ku duushay, markaasay dawladii Maraykanka arrinkaas golaha ammaanka horgaysay. Markii ay doodii kululaatay ayaa safiirkii Midowga Soofiyeeti cadhooday oo shirkii ka baxay. Ka dib go’aankii lagaga hortagay waqooyiga Kuuriya ayuu golaha ammaanku soo saaray. Haddii safiirkii Ruushku shirka ka bixi lahayn codka diidmada qayaxan (Vito) ayuu go’aanka ku burin lahaa, dawladda China wakhtigaas qaramada Midoobay xubin kamay ahayn.”