Cabdiqaadir Shabeel Oo Daboolka Ka Qaaday Inuu U Sharaxan Yahay Xildhibaanimo Golaha Deegaanka Ee Hargasya Ah

0
561

 

Hargaysa(Geeska )-  Cabdiqaadir Jibriil Yuusuf (Shabeel), ayaa si rasmiya u shaaciyay inuu u ordaayo xildhibaanimada golaha deegaanka ee magaaladda Hargaysa, kana sharaxan yahay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

 

Waxana munaasabad balaadhan oo lagu shaacinayay musharaxnimadiisa si xoogan uga soo qaybgalay beesha uu ka soo jeedo ee  Cismaan Xuseen oo daboolka ka qaaday inay xooga saarayaan inuu soo baxo musharaxan da’da yar ee u tartami doona doorashada golaaha deegaanka ee fooda ingu soo haysa. Masuuliyiinta xisbiga kulmiye ayaa iyaguna dhankooda niyad samaan u muujiyay musharaxan, isla markaasna shaaciyay inay taageero la garab taagan yahiin.

 

Xafladan  loo sameeyey  shaacinta musharaxnimada Cabdiqaadir Shabeel oo  lagu qabtay Hotel Casaloma  ee Magaalada Hargaysa, waxaa  ka soo qeybgalay  masuuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Md.Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiyaha  gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE, guddoomiyaha  garabka haweenka ee Xisbiga KULMIYE Marwo  Canab Cumar Ileeye, agaasimaha  xafiiska  Samafalka Madaxtooyada, Salaadiin, Cuqaal,Haween,Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiyaha  xisbiga  talada  ee Xisbiga KULMIYE  Md Muuse Biixi Cabdi oo xafladaasi  ka hadlay ayaa u mahad naqay taageerayaasha musharax Cabdulqaadir Jibriil  ee go’aansaday in ay codkooda siiyaan xisgiga KULMIYE, waxaanu ku amaanay “Waxaan u mahadnaqaynaa taageerayaasha tirada baddan ee  Cabdiqaadir ee go’aansaday in ay codkooda iyo xoogooga siiyaan Xisbiga  KULMIYE, oo ay musharaxooda taageeraan, waan idinka mahadnaqaynaa,  abaalna waan idinku haynaa.”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  u mahad-naqay  dhamaanba taageerayaasha musharax Cabdiqaadir iyo marti sharaftii kale ee  ka soo qeyb galay xaflada. Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu  hambalyeynayaa murashaxa maanta halkan lagu caleemo saarayo  halkan oo  taageerayaasha halkan fadhiyaa ay doonayaan in ay  golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ku soo saaraan, Cabdiqaadir waxaanu leenahay waanu ku  soo dhaweynaynaa, waanan  la shaqeynaynaa,wanaan taageernaynaa, markii horena Xisbiga KULMIYE ayuu ahaa, taageerayaashiisa halkan fadhiyaana Xisbiga ayay ahaayeen. Insha Allaah Cabdiqaadirna wuu soo bixi doona.”

Murashax Cabdiqaadir Jibriil  Yuusuf, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah  ugu mahad-naqay  hogaanka Xisbiga KULMIYE ee ka soo qeyb galay bandhiga murashaxnimadiisa iyo sidoo kale dhalinyaradii xafladaasi ka soo qayb galay hadaladiisiina waxa ka mid ahaa  “Waxaan u mahad naqayaa madaxda kala duwan ee xisbiga KULMIYE, sidoo kale Waxaan u mahadnaqayaa dhalinyaradii qaaliga ahayd ee madashan qaaliga ee Xafladan quruxda badan ka soo shaqeeyay, Waxa kale oo aan  u mahadnaqayaa marti sharaftan ka soo qeybgashay xafladan. Waxaan balanqaadaya in aanay dhici doonin in aan noqdo mid hantida qaranka booba, waxaan idinka rajeynayaa in aad iigu duceysaan haddii  ILAAHAY  yidhaahdo oo aan ku soo baxo Xildhibaanimada  golaha  deegaanka oo aan ka mid noqdo  inuu ku shaqeeyo daacadnimo,waddaninimo, iyo xilkasnimo oo dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeega iga dhigo.”

Guddooomiyaha Garabka haweenka ee Xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye oo munaasibadaasi ka hadashay waxay u mahad-celisay hogaanka  Xisbiga KULMIYE iyo dhamaan masuuliyiintii kala duwanayd  ee ka soo qeybgalay xaflada. Marwo Canab Cumar Ileeye waxay soo dhaweysay murashax Cabdiqaadir waxaanay u rajaysay inuu ku guulaysto xildhibaanimada golaha deegaanka.