Wada Hadalada Hindisihii Xasan Ciise Ee UCID Iyo UDHIS Oo Maanta Bilaabmaya Iyo Aragtiyaha Bulshadu Ka Bixisay Midowgooda

3
619

 

mujahHargeysa(Geeska)-Bulshada Somaliland waxa si weyn u soo jiidatay aragtidii uu Xasan Ciise Jaamac, toddobaadkan soo bandhigay ee salka ku haysay midaynta xisbiga UCID iyo ururka UDHIS iyo weliba ururo kale oo aanu magacaabin.

 

Aragtidaas Xasan Ciise Jaamac, oo ay dad badani u arkaan inay ahayd mid ka maqnayd saaxadda siyaasadda Somaliland waxa la saadaaliyay inay keeni karto inuu dhasho xisbi haysta aqlabiyadda shacabka oo culays ku soo biirin kara saaxadda siyaasadda. “Waxaan soo jeedinayaa oo aan madaxda UDHIS iyo UCID-ba kala hadlay waxaan doonayaa in labadaasi urur hormuud ka noqdaan sidii ururadan yar yar ee badan waynu ku jabaynaaye’e oo dantii qaranku sidaasi kuma jirtee inaynu meel isugu gayno waa haddii ay inaga dhab tahay danta dalka iyo dadka ayaanu ku shaqaynaynaa waa inaynu meel isugu gaynaa.” Sidaas waxa yidhi Xasan Ciise Jaamac oo ay aragtidiisa u guuxeen dad badani.  Laakiin waxa ay su’aali ka taagantahay sida ay u dhaboobi karto, maadaama oo ay muuqdaan caqabado kala duwan oo hortaagani.

Qaar badan oo bulshada ka mid ah ayaa aaminsan in hamiga Xasan Ciise Jaamac, ay caqabada koowaad ku noqon doonto damaca  haya hoggaamiyayaasha uu doonayo inuu isu keeno ee ay ugu horeeyaan Faysal Cali Waraabe oo UCID hoggaamiya, Cabdiraxmaan Aw Cali, Ibrahim Dhegaweyne iyo Maxamed Xaaji Maxamuud oo UDHIS ka wada tirsan iyo weliba ragga kale ee iyagana ee uu Xasan Ciise sheegay inay ka tirsanyihiin ururo siyaasadeed oo aanu magac dhabin.  Waxa iyana la dareensanyahay inuu jiro damac isna ka dhex guuxaya Xasan Ciise laftiisa. Inkastoo uu Faysal Cali Waraabe, madashii k sheegay inay UCID ahaan soo dhawaynayaan aragtidaas islamarkaana uu cadeeyay inuu damaca ka horumarin doono danta dalka, haddana wuxuu Faysal halkaas ku taabtay mawduuc laga akhristay in horeba la isugu iman kari waayay, ka dib markii uu yidhi “Beri hore ayaanu u gacan haadinay inay UDHIS noo timaado.”, waxaana weedhaas laga dhadhansaday inuu jiray wax hore oo la isku mari waayay taas oo ay dabcan dad badani u arkaan damaca siyaasadeed, laakiin Faysal wuxuu weedhaas ku ladhay niyad samaan. “Anigu fikradda Xasan Ciise, waxaan u arkaa mid macquul ah laakiin waxa hortaagan haba la midoobee malagu heshiinayaa kursiga taas ayaa jawaab u baahan.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah bulshada Hargeysa ee la socda wadciga siyaasadeed ee dalka. Muwaadin kale ayaa isna yidhi, “Haddii ay aragtidaasi hirgasho waxa uu xisbigaasi noqon doonaa mid ay umaddu ka wada dhex muuqato, laakiin bal aynu eegno sida ay uga dhabeeyaan midowgaas.”  Haweenay ka mid ah dumarka siyaasadda xiiseeya ayaa iyaduna tidhi, “Haddii ay ragga UDHIS iyo UCID ka dhab tahay dalkaanu badbaadinaynaa ha midoobaan si cududoodu u muuqato oo ay wax u tarto.”

Si kastaba ha ahaate aragtida midaynta UCID, UDHIS iyo ururada kale, rayi ahaan waa mid muhiim ah lagamana yaabo inay waxtar mooye wax yeelo u soo kordhiso dhinacyada ay qusayso, waxase la arki doonaa sida ay u hirgasho, waxaana maanta si ramsi ah u bilaabmaya wada hadalada ku saabsan midaynta labadan dhinac iyo kuwo kale.

Comments are closed.