Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Xeerka Bangiyada Ee Golaha Horyaala

0
753

 

Hargeysa, (Bloomberg/Geeska)- Xukuumadda Somaliland ayaa ansixin doonta xeerka baananka horaanta sannadka 2012, oo abuuraya baanka dhexe, isla markaana sahlaya in baananka caalamigu ka bilaabaan hawlahooda, sida Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland sheegay.

Xeerka baanka dhexe ee Somaliland, oo bedeli doona, xeerkii iyo shuruucdii baananka ee 1997, ayaa loo qeybiyey baarlamaanka dhowaan, halkaa oo xildhibaanada qaarkood diidanaayeen, ayuu ku sheegay Gud. Baarlamaanka Mr, Cabdiraxmaan wareysi lagula yeeshay Hargeysa.

“Waxa jiray dhowr xildhibaan oo diidanaa xeerkaa, laakiin waxay ka hadlayeen qodobada qaarkood,” ayuu Gud. Cabdiraxmaan yidhi, “Waan ku kalsoon nahay in xeerka la ansixin doono horaanta sannadka danbe,”

Bishii hore, agaasimaha guud ee Banque pour le Commerce et l’Industrie-Mer Rouge, Ould Amar Yahya ayaa wadahadal kala yeeshay xukuumada qaadashada liisanka, sida uu sheegay, Saad Moussa Djama, wakiilka BCI’s ee Somaliland. Baankan amaahda bixiya ee ku yaal Jabuuti, ayaa ku lahaa xafiis wakiil Hargeysa ilaa February 2009.

Baanku, “Waxuu sugayaa qaadashada liisan dhamaystiran marka la ansixiyo xeerka baananka ganacsiga,” ayuu  Djama ku sheegay wareysi lala yeeshay Nov. 21.

CAC Bank, baan xukuumada Yemen leedahay oo amaahda bixiya, iyo Dahabshiil Bank, ayaa sidoo kale la soo xidhiidhay baanka dhexe ee Somaliland, si ay xarumo uga furtaan Somaliland, sida Gudoomiyaha Baanka Dhexe Abdi Dirir, ku sheegay wareysi lala yeeshay Nov. 21.

Dhinaca kale xeerkan ayuu goluhu dib u dhigay waxaana la amray in dib u habayn lagu soo sameeyo islamarkaana lasoo waafajiyo sharciga Islaamka.