Madaxweyne Siilaanyo Oo Ilduufay Fursad Diblomaasiyadeed Oo Dahabi Ah Iyo Jawaabta Doodda Ah Ee Wasiirka Arrimaha Dibadda

0
779

 

untitledHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ilduufay fursad dahabi ah oo wax u tari lahayd qaddiyadda Somaliland, ka dib markii uu habeen hore soo gaadhay magaalada Addis Ababa.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu ka soo degay madaarka Addis Ababa, wuxuu degay hoteelka Sheraton oo ay degenayeen madaxda urur goboleedka IGAD oo uu shalay shir maalin socday uga furmay magaalada Addis Ababa, waxaanay fursadaasi noqotay tii u horaysay ee soo marta Somaliland. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo isagoon cid kala kulmin madaxdaas bariga Afrika, ayuu shalay gabal dhicii u dhaafay dalka Djibouti oo uu xataa Madaxweynaheedii Md. Ismaaciil Cumar Geele shirka Addis Ababa joogay. Madaxweyne Siilaanyo oo uu safarkiisa ku weheliyay Wasiirkiisa Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo duulista hawada Maxamuud Xaashi oo Addis Ababa kaga biiray, ayaan haba yaraate cid kala kumin madaxda bariga Afrika ee ay hoteelka wada deganaayeen, iyadoo la sheegay inaanu kaba bixin qolka hoteelka uu ka degay ilaa uu ka dhoofay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo isagoo jooga dalka Djibouti uu Waregyska Geeska Afrikaxalay wax ka weydiiyay inay jiraan madax ka tirsan IGAD oo ay la kulmeen, wuxuu yidhi “Intii aanu joognay maanu lahayn shirar rasmiya oo xagga wufuudii ka socotay Afrika aan la yeelano ma ay jirin, wuxuun bay inaan safar ku soo marno Addis Ababa si aan u nimaadno Jabuuti, markaa xalay [Habeen hore[ ayuun baanu haysanay, galabtana [shalay] waami la soo ambo baxnay.”

Wargeyska Geeska Afrika,wuxuu wasiirka weydiiyay maadaama oo qaddiyadda Somaliland lagu iibinayo dedaal, miyaanay waajib ahayn in Madaxweynaha iyo weftigiisu dedaal u galaan sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda IGAD, mar haddii ay tahay fursad aan Somaliland hore u soo marin, waxase uu wasiirku ku jawaabay,  “ Kulamada caynkaas oo kale ah ee madaxda Afrikaanka ah ee timid dalka Itoobiya oo intooda badan ay imanaysay saaka [shalay] waxa ay u imanayeen kulanka maanta [shalay] laga furay magaalada Addis Ababa ee arimaha IGAD, markaa kulamada caaynkaasa oo kale ah markaad la yeelanayso madaxweuynayaasha  waa inay  noqotaa balan hore, waayo madaxwaynayaashu waxay u imanayeen shirka IGAD, anaguna qasdigayagu waxa uu ahaa in aan madaxda Jabuuti kula kulano dalkan Jabuuti, markaa halkaas sidaas ayaan u soo marnay.”

Inkastoo aanu Madaxweynuhu balan rasmi ah la sii samaysan madaxda IGAD, haddana waxa waajib ku ahayd inuu sameeyo xod xodasho diblomaasiyadeed si uu ugu yaraan fursad ugu helo inuu farriinta umaddiisa gaadhsiiyo.   Sidaas oo kale cidda laga sugayo inay balan la sii samaystaan madaxda IGAD waxay ahayd Madaxweynaha iyo kaaliyayaashiisa, maaddaama oo muddo dheer la hadal hayay qabsoomidda shirkan islamarkaana la ogaa in safarka Madaxweynaha iyo shirku isku soo beegmayaan. Waxaanay dad badani aaminsanyihiin inay halkaas Somaliland ku seegtay fursad dahabi ahi.

Diblomaasiyiin tiro badan oo reer galbeed ah ayaa Somaliland marar badan ugu baaqay inay qaddiyadeeda ka dhaadhiciso dalalka bariga Afrika oo uu urur goboleedka IGAD ka wakiil yahay. Madaxda hoteelka degenaa ee shirka IGAD ka qayb gashay waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Sudan, Wasiirka difaaca Yugaandha, Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Lamtane Lamamra oo ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee arrimaha nabadgelyada, Wakiilka midowga Afrika ee Somaliland iyo Somaliya Rawlings oo sidoo kale ahaa Madaxweynihii hore ee Gaana , Madax kale oo tiro badan iyo Raysalwasaare Meles Zenawi oo isagu shirkaas guddoomiyay.