Waalidka Dabeecadahan Isku Arkaa Ha Ogaado In Uu Ku Fashilmay Barbaarintii Ubadka

0
661

Hooyadu waxa ay dhibaato iyo culays nafsadeed, jidheed iyo caafimaad kala kulantaa uurka ilmaheeda, waxaa intaas u dheer masuuliyadda ka saaran dhowrista iyo ilaalinta ilmaha uurkeeda ku jira. Ilaalintaasi waxa ay saamayn ku yeelataa hurdadeeda, cuntadeeda, dhaqdhaqaaqeeda jidheed iyo nolosheeda oo dhan oo sagaalka bilood ee ay ilmaha siddo sababta ilmahaas isla beddesha si ay u ilaaliso.

Aabaha marka laga tago xilka culus ee ka saaran ilaalinta hooyada uurka leh ee afadiisa ah, oo nin kasta oo xil kasta ah ay la gudboon tahay in uu hooyada u fududeeyo siyaabaha ay ula noolaan karto Xaaladaha nafteeda uu uurku ku soo kordhinayo iyo xilka ka saaran inay ilaaliso ilmaha caloosheeda ku jira, waxaa ka mid ah in uu dusha u rito masuuliyaddii nafaqaynta iyo dabbarista nolosha qoyska iyo muhiimaddii niyad u Dhiska iyo macaamilo wanaagga. Waxa jira masuuliyad kale oo intanba ka weyn oo labada waalidba u taalla dhalashada ilmahaas uurka ku jira kaddib. Korintiisa jidheed oo nafaqayntii iyo cuntadii ah iyo kobcintiisa maskaxeed oo waxbaristii ah waxaa garab socda waxa loo yaqaanno Barbaarinta ilmaha oo nasiibdarro marar badan waalidku aanu dhaadsanayn.

Waalidku waxa uu fursad u haystaa in uu sameeyo ilmaha, haa sameeyo ayaa aynu u jeednaa macne kasta oo ay leedahay. Ilmuhu waxa uu afka yimaaddaa isaga oo waslad yar oo nool ah oo qalbigiisu xaashi cad yahay, maskaxdiisana aanay waxba ku jirin. Barbaarintu waa qofkii oo la dhisay fikirkiisa, dad la macaamilkiisa, kartidiisa, aaminsanaantiisa iyo iimaankiisa.

Haddaba qormo dhowaan lagu faafiyey shabakadda Aljazeera waxaa lagu sheegay habab barbaarineed oo qaldan oo uu waalidka qaarkii ku kaco laakiin raad aad u taban ku yeesha guusha ay tahay in uu noloshiisa dambe ka gaadho.

Hababkaas waxaa ka mid ah:

  1. Ilmaha oo lagula macaamilo qaab keli talis ah lana tuso in isagu uu yahay keliya aalad laga rabo in ay samayso waxa uu waalidku u sheego. Ilmaah dareensii in uu qof yahay aragti fiican iyo mid qaldanba yeelan karo, ta fiican ku bogaadi, ta xunna ka sax. Ilmahaaga dareensii in uu Arrimaha qaar u madaxbannaanaado, in uu masuuliyado qaado iyo in mararka qaarkood aad dhiirriso in uu go’aamo gaadhi karo.
  2. Waalidka qaar isaga oo toosin u jeeda ayaa uu adeegsadaa qaylo, canaan ereyo kakan ama aflagaado ah uu adeegsanayo iyo garaacis, laakiin xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay aaminsan yihiin intaasiba ay dhaawac ku keento mustaqbalka nafsadda iyo maskaxda ilmaha.
  3. Waalidka qaar ayaa ku talaxtaga xorriyada ay ilmaha siinayaan, waxaa dhici karta in xitaa ilmuhu uu go’aansado gorota uu seexanayo, arrintaasi waxa ay keentaa in ilmaha uu ku dhaco khalkhal dhinaca hurdada ah, taasina halis ku tahay caafimaadkiisa. Bar ilmaha in ay qasab tahay in uu seexdo saacad go’an oo aad fahamsiisay in ay dantiisu ku jirto.
  4. Casrigan dambe waxaa soo kordhay aalado iyo shaashado teknoolajiyadeed oo dadka waaweyn iyo carruurtaba maskaxdooda qabsaday. Waxa ay xeeldheereyaasha Barbaarinta ubadku ku talinayaan in waalidku aanu ilmihiisa xorriyad buuxda u siinin daawashada Talefishanka, ciyaaraha fiidyowga iyo qalabka uu talefanka gacanta ka mid yahay, gaar ahaan marka ay da’da ilmuhu aad u yartahay. Waxa ay taasi khatar ku tahay mustaqbalka koritaanka maskaxdiisa iyo habdhaqankiisa dambe.
  5. Waalidka qaar ayaa si ku talagal ah ama si aan ahaynba u dayaca nafsadda ilmaha. Tusaale ahaan ilmaha ma dareensiiyaan in uu muhiim yahay, ama ma u muujiyaan kalgacalka iyo daryeelka uu u baahan yahay. Arrintani mustaqbalka waxa ay ilmaha ka dhigtaa ruux aan cidna danayn, muhiimadna siinin bani’aadamnimada. Waxa ay ku riddaa xaalado nafsadeed oo faquuqni iyo inuu dayacan yahay uu dareemo, taasina ka durkiso jacaylka waalidka.
  6. Barbaarinta ilmaha ee wanaagsani ku fiican amaro iyo in loo sheego waxa ay tahay in uu qabto iyo waxa ay tahay in uu ka dheeraado oo keliya. Waxa ay u baahan tahay in ilmaha la baro doodda, in lagu dhiirriyo waxa uu diiddan yahay in uu rayigiisa ka dhiibto oo weliba marka uu saxan yahay garawshiyo la tuso si ay u korto kalsoonida naftiisu. Ilmahaaga ku Tababar doodda, falanqaynta, fikir dhiibashada iyo in uu u dulqaato aragtiyaha ka soo horjeeda xitaa haddii aanu waafaqsanayn.
  7. Ciqaabta jidheed: Waxa ay xeeldheereyaasu caddeeyeen in ciqaabtu ay disho maskaxda iyo hanka ilmaha, iyo in ay ka dhigto ruux naftiisa quudhsada. Ciqaabta jidheedna waxa ay marar badan khatar ku tahay caafimaadkiisa. Tusaale ahaan ilmaha oo madaxa laga dhirbaaxaa waxa ay khatar ku tahay maskaxdiisa oo mararka qaarkood ay gaadhsiin karto heer ay dhaqaaqdo. Sida oo kale waxaa jira daraasado sheegaya in ilmaha oo badhida laga garaacaa ay sababi karto hoos u dhac ku yi maadda heerka garaadka iyo fariidnimada ilmaha.
  8. Waalidka qaar si aad u adag ayaa ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa, sheekada iyo tallaabo kasta oo uu ilmuhu qaadayo, taas waxa ay khubarada Barbaarinta ubadku ku sheegeen tallaabo qaldan oo saamayn aan fiicnayn ku yeelanaysa hab macaamilka dambe ee ilmaha. Waxa aanay ku taliyeen in ilmaha la dareensiiyo in uu haysto illaa heer hadba inta da’diisu tahay ku xaddidan oo uu isagu noloshiisa go’aan ka gaadhi karo. Tani waxa ay xoojinaysaa kalsoonida uu naftiisa ku qabo, waxa aanay ku tababaraysaa in mustaqbalka uu noloshiisa maarayn karo. Waxaa jira erey hal-ku-dheg noqday oo ah ‘Waalidka Helikobtarta ah’ kelmaddan waxaa markii ugu horreysay sannadkii 1969 kii isticmaalay Dr. Haim G. Ginnot oo ku qoray buuggiisa, ‘Between Parents and Teenagers’ oo uu kaga hadlayo habka ugu fiican ee waalidku ula macaamili karo ilmihiisu marka uu madaxa la kaco (Kuray ama foodley). Ereygii waxa uu noqday mid dunida oo dhan laga xiiseeyey oo si weyn loo isticmaalay illaa heer sannadkii 2011 kii lagu daray qaamuuska afka Ingiriisiga.

Mid ka mid ah carruurtii uu Dr. Haim la kulmay markii uu xog ururinta buuggiisa waday, ayaa isaga oo ka hadlaya habka xad dhaafka ah ee ay hooyadii cadaadiska ugu hayso waxa uu yidhi, “Hooyo ayaa sida helikobtarta ii dul wareegta”. Ereygii ayaa uu Dr. Haim sumad uga dhigtay waalidka ku talaxtaga dabagalka iyo ka warhaynta dhaqdhaqaaqa iyo Xaaladaha ilmahooda. Sannadkii 1990 kii ayaa uu ereyga “helicopter parent” isku beddelay erey bixin la xidhiidha Barbaarinta Ubadka.