Sababta Uu Isku Casilay Afhayeenka Madaxtooyada Oo Shalay Banneeyay Xafiiska

0
595

Hargeysa (Geeska) – Maxamuud Warsame Jaamac, oo ahaa afhayeenkii Madaxtooyada Somaliland ee saddexdii sano ee u danbeeyay, ayaa is casilay, isagoo sheegay in uu yahay musharax u taagan doorashada wakiillada ee soo socota.

Afhayeenka oo Shalay Warbaahinta la hadlay, ayaa ku dhawaqay in uu xilka afhayeen-nimo u baneeyay si uu ugu tartamo doorashada golaha wakiillada ee qabsoomi doonta 31 bisha May 2021.

“Waxaan idiinku yeedhay in aan idinla wadaago in aan ahay mushareax u tartamaya doorashada Golaha wakiillada ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee qorshaysan 31 bisha May”. Ayuu yidhi Maxamud Warsame, waxaanu intaa ku daray “Markii aan sameeyay la tashi ballaadhan, markii aan u meel dayay damacayga siyaasi ga ah, markii aan door-biday in aan shacabkayga gobolka Sanaag ku matalo Golaha Wakiillada, waxaan go’aan saday in aan noqdo mushaerax u taagan doorashada wakiilada”.

Maxamuud Warsame Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  “Waxaan halkan ka caddaynayaa in aan baneeyay xilkii afhayeenka madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo aan hayay muddo saddex sano iyo hal bil ah” ayuu hadalkiiisa sii raaciyay Maxamud Warsame Jaamac.

Maxamuud Warsame Jamac ayaa Madaxwayne Muuse Biixi iyo Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed-siilaanyo uga mahad celiyay jagooyinkii kala duwana ee ay u soo magacaabeen wakhtiyo kala duwan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office