Waalidka Oo Lagula Taliyey In Ay Qallafsanaan Iyo Fiiro Dhowba Ku Qaabilaan Ubadka U Dhexeeya 12 – 17 Jirka

31
2866

London (Geeska)- Warbixin uu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in waalidka iyo qoyska oo si dhow ula socda ilmuhu marka uu waajibaadka dugsiga looga soo diray uu guriga kaga shaqaynayo ay leedahay faa’iido ah in ilmaha ay ka ilaaliso dhaqanno xunxun iyo edebdarrooyin badan, oo isticmaalka maandooriyuhu ka mid yahay.

Dhinaca kalana cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Cincinnati ee dalka Maraykanka ayaa baadhis cilmiya oo ay sameeyeen ku ogaaday in da’da u dhexeysa 12 illaa 17 gu’ ay tahay xilliga ay carruurtu waxyaabaha ugu badan ee aan habboonayn ku fikiraan sida maandooriyaha iyo xitaa marmarka qaarkood in ay naftooda dilaan, haddii aanu waalidkood arrintaa ku baraarugsanaan, si dhowna ula socon ilmaha iyo habdhaqannadiisa gaarka ah.

Waxa kale oo ay ogaadeen in carruurtu marka ay gaadho 16 ama 17 sano ay tahay marka ay arrimahaas aynu xusnay ugu dhowyihiin, haddii aanu waalidku si dhow ula socon.

Ugu dambayntii ilmaha oo habdhaqankiisa si dhow loola socdo, loona sameeyo jadwallo ay tahay in uu raaco oo waalidku ku ilaaliyo, isla markaana waajibaadka guriga loogu soo diro ee dugsiga la’ la ogaadaa in ay u fiican tahay habdhaqanka mustaqbalka ee ilmaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here