Hargeysa (Geeska)- Qormo uu Wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hal-ku-dhegyo iyo xikmado kala duwan oo laga dhaxlay Faylasuufyadii dunida soo maray waqtiyada kala duwan:
– Qof kasta masuuliyad akhlaaqeed ayaa ka saaran in uu caasiyo sharciyada caddaalad darrada ah. (Martin Luther king Jr.)
– In Sharciga laga cawdo oo lagu dibad-baxo macnaheedu ma’aha in dimuqraadiyaddii laga tegeyo, balse waaba arrin ay dimuqraadiyadda lafteedu u baahan tahay. (Howard Zinn)
– Qof kastaa dunida waxa uu ku warwarsan yahay joojinta argagaxisada. Waa hagaag, laakiin runtu waxa ay tahay in habka ugu fudud ee loo joojin karaa ay tahya in marka hore la joojiyo ficillada ka qayb qaadanaya” Noam Chomsky.
– Haddii aanad adigu Istaraatijiyad lahayn, waxa uun aad ka qayb noqonaysaa Istaraatijiyad qof kale dejistay. (Alvin Toffler)
– Deeqsinimada waxa aan u aqaannaa, marka uu qof waxa uu rabo ku ku bixiyo wax kasta oo qaali agtiisa ku ah, ee haddana uu weli aaminsan yahay, in qiime aad u yari kaga baxay (Simone De Beauvoir)
– Ma jiro qof weli faqiir ku noqday wax uu bixiyey awgii. (Anne Frank)
– Umadda weynideeda iyo horumarka akhlaaqdeeda waxaa lagu qiyaasaa uun hadba sida ay ula macaamilaan xayawaanka ku dhex nool. (Mahatma Gandhi)
– Qofka noloshiisu waxa ay qiimo leedahay inta uu qiimo ku kordhinayo nolosha dadka kale. waa jacayl, saaxiibtinimo iyo naxariis. (Simone de Beauvoir)
– Qasab ma’aha in wax kasta oo aan afka ka idhi aan waafaqsanahay sida uu yahay. (Marshal McLuhan)
– In sida aad tahay iyo itaalkaaga u noolaato, nusqaaniba ha ku jirto ee, ayaa ka fiican in aad ku noolaato iska-yeel-yeelka nolosha qof kale, xitaa haddii ay dhamaystiran tahay. (Bhagavad Gita).