Waabeeye Oo Sheegay In Garabka Kale Aanu Diyaar U Ahayn Cadaalad iyo Doorasho

0
664

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye) oo ka mid ahaa Guddi uu hore Madaxweynuhu ugu magacaabay xalinta khilaafka u dhexeeye Musharixiinta Kulmiye, waxaanu sheegay  in markii ay arkeen isaga iyo Xildhibaan Cabdiraxamaan Tanyanle in si khaldan oo sharci daro ah wax loo wado inay faraha ka qaadeen, waxaanu nasiib daro ku tilmaamay in garabka kale ee ah Hogaanka kulmiye ay doonayaan in Musharaxnimada Xisbiga loo xidho.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye) ayaa mar uu shalay ka hadlaayey munaasibad qado sharaf ah oo ay sameeyeen isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan "Nasiib daro saaxibadayda kale ee maqan waxa aad mooda in aanay ujeedin inay cadaaladi dhacdo in aanay u jeedin in si xor ah loo tartamo, in aanay u jeedin in ololaha iyo doorashadaba loo galo si waafaqsan doorashadeena si waafaqsan tartan xalaal ah, waxaad mooda inay xooga saaranayaan in si gaar ah loogu xidho in si gaar ah garabka loo taabto inay taas u maraan meeshii alaale meesha ay doonayaan, anaguna halkan waxa aanu ku fadhinaa hogaanka laba xubnood aniga iyo Cabdiraxmaan Tanyanle Guddoomiye ku xigeenka labaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ayaanu nahay, waad ogeydeen oo waxa la noo magacaabay oo Madaxweynuhu noo diray in aanu Afar noqono Caddamina waa lagu daray, nasiib daro waxa aanu kala kulanay dhinici kale in aany magacabistaas aanay aqoonsanayn, oo markii ugu horeysaba Caddami ninka la yidhaahdo dadafeeyeen ku dhacday,oo la yidhi magacaabis rasmiya ma haysatid, waxaanu ka soo waranay maalintii ugu horeeysay markii aanu tagnay qaybtii farsamadu sida ay u socotay,waxa aanu aragnay hawlaha halkaas ka socda sida ay u socdaan, waxa aanu go'aansanay in aanu markaas ku darsano laba xubnood oo ka socda musharixiinta kale madaama labadayduna labadii hogaanka ahayd aanu la wadno, arintaasana labadii qaybood ee farsamada waanu u sheegnay, Cabdicasiis Sisto uu ka mid ahaa, waa la diiday inay labadaas xubnood ay noqdaan, taasina waxa ay markaas  tusaysaa in qaybta farsamada ay jirto wax lagu qarsanayo, wax la qarinayo wax aan loo baahnayn in la arko, wax aan loo baahnayn in la kashifo, waxa aanu iskula noqonay Madaxweynihii iyo Madaxtooyadii, waxa aanu isku ogeyn in la tashado, oo aanu dib u tashano oo aanu la soo tashano Musharixiintii iyo taageerayaashaydii".

Dhanka kale waxa uu Xildhibaan Waabeeye ka hadlay Guddidan cusub ee uu haddana Madaxweynuhu u magacaabay xalinta khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in Guddidaas aanay dhex noqon karin, madaama uu Madaxweynuhu magacaabay, una badan yihiin Wasiiro, waxaana uu dardaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey Musharixiinta, Wasiirada iyo Masuuliyiinta is casilay, waxaanu ugu baaqay inay samir la yimadaan, waxaanu ku tilmaamay inay iyagu si cadaalad waafaqsan wax ku doonayaan, iskuna kalsoon yihiin.