Shirkadda UNIGAS Oo Suuqa Soo Gelisay Iibka Haamaha Gaasta

0
593

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirkadda UNIGAS oo ah shirkad waddani ah oo iibisa gaasta cuntooyinka lagu karsado ayaa suuqyada magaalada Hargeysa soo gelisay haamihii gaasta oo ay bulshada u soo diyaarisay si ay cuntooyinka ugu karsadaan.

Axmed Cali Nuur oo ka mid ah madaxda shirkaddan ayaa sheegay inay shirkadani bulshada u diyaarisay gaas qiimaheedu jabanyahay oo weliba ammaan ah, “Waxaanu umadda u keenay haamihii gaasta iyo weliba shoolado jaban oo ay cuntada ku karsan karaan. Shirkadda UNIGAS waxay shacabka u soo bandhigaysaa gaas qiimaheedu jabanyahay.” ayuu yidhi Axmed Cali Nuur oo u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay in adeegyada gaas ee UNIGAS laga heli karo dhammaan gobalada Somaliland iyo weliba maamul goboleedka Somaliya ee Puntland. Shirkadan ayaa durba meherado badan u qaybisay gaastan oo haamo ku jirta, waxaanu Axmed Cali Nuur sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay shirkadan u sameeyeen tahay sidii ay dalka uga badbaadin lahaayeen nabaad guurka ay keento dhuxusha oo laga soo shido dhir ay qaarkood qoyanyihiin.