Waa Tuug Laakiin Weli Damiirkii Aadamenimo Kama Uu Wada Dhammaan (1)

0
559

Hargeysa (Geeska)- Aadamuhu meel kasta oo uu xumaanta ka gaadho iyo si kasta oo uu qiyamka iyo akhlaaqda fiican uga fogaado, haddana waxa ay u badan tahay in qaddar uun ka mid ah damiirka bani’aadamnimo ee abuurka ahi ku sii hadho qalbigiisa, waana ta keenta in mararka qaarkood ruux si aad ah u fogaa ama u lumay uu si sahal ah dib ugu noqdo xisaabtiisa oo inta uu ka toobad keeno xumaanta, kana murugoodo xumaanta uu tubta toosan dib ugu soo noqdo. Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa dhowr dhacdo oo arrintan u marag furaya, waa tuug, haddana iyaga oo falkii tuugonimo ku dhex jira uu hadhaadigii damiirka ee qalbigooda ku hadhay dib u saxayo.

1. Dalka Jarmalka waxaa ka dhacday in nin tuug ah oo guri si qarsoodi ah u galay isaga oo hubaysan si uu xoog ugu soo baadho uu si degdeg ah dibadda uga soo baxay isaga oo aan waxba ka soo xadin. Sababtu waxa ay ahayd tuuggan oo markii uu guriga galay ee dadkii waaweynaa uu hubkii uu sitay ku qabtay, ay laba carruur ah oo guriga joogay inta ay soo saareen lacag yar oo sida muuqatay nususaacihii dugsiga ahayd ku soo fiiqeen tuugga, iyaga oo ka codsanaya in uu lacagtaas qaato oo aan wax dhibaato ah u geysan. Ninkan tuugga ahaa ayaa la sheegay in uu ka khajilay dareenka carruurta, taasina ay ku kalliftay in uu falkii tuugada ahaa ka noqdo oo uu guriga ka baxo isaga oo aan waxba ka qaadan.