Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo Oo Abu-dhabi Ku Sugani?

0
618

Hargeysa(Geeska)-Iyadoo maalmihii u dambeeyay baraha ay bulshadu ku xidhiidho ee Internetka lagu faafinayay arrimo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo oo ku sugan magaalada Abu-dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka hadlay wasiir ka tirsan xukuumadda.

Wasiirka xanaanada xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir oo ka mid ahaa wasiiro magaalada Abu-dhabi la joogay madaxweyne Siilaanyo balse shalay ay isaga iyo wasiirka khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire ku soo laabteen Hargeysa, ayay saxaafadu shalay madaarka Cigaal ku weydiisay inuu ka waramo xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu Wasiirku yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu saacado kooban imika ka soo maqanahay, waxaanu kaga nimid oo kula joognay oo ku suganyahay caafimaad taam ah oo wanaagsan oo Alle loogu mahadnaqo dadka inta niyadda wanaagsana Alle ugu mahadinayaan kuwa cadawga ah ee jeclaysanaya inay masiibo ku timaado dalka Somaliland waxaanu leenahay isla hela, Allena idinkama aqbalin, habaarku meelna kuma wanaagsana.” sidaas ayuu wasiirku ku soo koobay hadalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka ka dhoofay 16 June, waxaanay madaxtooyadu sheegtay in socdaalka madaxweynaha oo ahaa mid gaar ah u qaadan doono tobaneeye maalmood, waxaanu hadda sii maqanyahay 3 toddobaad muddo ku dhow.