Ku-simaha Madaxweynaha Oo Amar Deg-deg Ah Ku Joojiyay Xaflad Ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Laba Wasiir-xigeen

0
814

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay si kedis ah u baajiyay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen labada wasiir-xigeen ee khaarajiga iyo qorshaynta oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo isku bedelay.

Munaasibadaas oo la qorsheeyay in lagu qabto hoteelka Maansoor, ayaa waxa xilka kula kala wareegayay wasiir-xigeenka cusub ee qorshaynta Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) oo xilka wasir-xigeenka khaarajiga ku wareejinayay wasiir-xigeenka cusub ee wasaaradaas Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo hore u ahaa wasiir-xigeenka qorshaynta. Hase yeeshee markii ay ahayd inay munaasibadu bilaabanto ayaa waxa munaasibadii lagu baajiyay amar la sheegay inuu soo bixiyay madaxweyne-xigeen Saylici, waxaana la sheegay inuu labada wasiir-xigeen ku amray inay munaasibadda xil wareejinta ku qabsadaan xarunta wasaaradda qorshaynta, waxaana warku sheegay in madaxweyne-xigeenku joojinta munaasibaddan u cuskaday inaan dalku qaadi karin dhaqaale lagu bixiyo xaflado xil wareejineed oo lagu qabto hoteelada.

Sidaas ayaana munaasibadii xil wareejinta loogu bedelay xarunta wasaaradda qorshaynta oo ay labada wasiir-xigeen si rasmi ah ugula kala wareegeen. Waa markii u horaysay ee la arko talaabo noocan ah.