“Waa Qasab In Ay Jirto Cid Abuurtay”: Hadal Uu Yidhi Cirbixiyeenkii Ugu Horreeyey Ee Hawada Sare Loo Diray Laakiin Ruushku Uu Qariyey’

0
800

Cirbixiyeenkii ugu horreeyey oo ahaa Yuri Gagarin, markii uu hawada sare u baxay joog dhan 322 kiiloomitir oo koonka uu dusha sare ka soo arki karo, isla markaana ku soo wareegay dhulka, ayaa isaga oo qiiro is madax marsan, isgaadhsiintii lagula xidhiidhayeyna furantahay waxa uu yidhi, “Waxa ii muuqda oo dhami waa cajaayib iyo qurux … waa qasab in ay jirto cid abuurtay waxan oo dhami”

Midowga Soofiyeti oo nidaamkiisa Shuuciga ahi ku dhisnaa Alla-diidnimo ayaa hadalkan u arkay in uu meel ka dhac ku yahay mabaadii’diisa, sidaas awgeed waa uu ka qariyey dunida. Taas beddelkeedana waxa ay Warbaahintii midowga Soofiyeti faafisay hadal ay sheegtay in uu yahay kii cirbixiyeenku yidhi oo ah, “Hawada sare wax Ilaah ah kuma arko” oo ay u duurxulayaan in ay beeniyaan aaminsanaanta jiritaanka Allaah.

Baadhis dambe oo markii midowga Soofiyeti burburay horraantii sagaashamaadkii dib loogu noqday rikoodhkii codka duubayey lama helin ereyadan, waxaana caddaatay hadalladani ay ahaayeen kuwo ku jiray khudbad uu jeediyey hoggaamiyihii midowga Soofiyeti.

Nikita Khrushchev oo khudbad ka jeedinayey kulanka guud ee Golaha Dhexe ee xisbiga Shuuciga ah ee Midowga Soofiyeeti, ayaa mar uu ka hadlayey ololihii dawladda ee ka dhanka ahaa diinta waxa uu si jeesjees ah u sheegay in ay been tahay aaminsanaanta ah in uu Alle jiro oo weliba uu carshiga sare joogo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “Gagarin ayaa hawada sare u duulay, laakiin wax Ilaah ah kuma uu soo arag”

Hadalladaas ayaa si ku talagal loo fahmay waxaa loogu leexiyey cirbixiyeen Gargarin, oo dadbadani rumaysteen ka hor intii aanay xaqiiqadu soo bixin.

Hadallada kale ee uu Gargarin sheegay waxaa ka mid ahaa in midabka dhulku uu isbeddelo marka hawada sare loo baxo, oo halka hadda hawada sare / samadu buluug ka tahay marka kor loo baxo ay samadu madow noqonayso. Isaga oo dhulka ku wareegaya ayaa uu yidhi, “Samadu waa madow, dhulkuna waa buluug”