Afka Turkiga Oo Noqday Ka 5aad Ee Loogu Jecelyahay Dunida Iyo Erdogan Oo Bilaabay Olole Lagu Baranyo Afka Dalkiisa

0
737

Furfuranka dhaqan iyo xadaaradeed ee Turkiga iyo horumarka xawaaraha ku socda ee uu sameynayey labaatankii sano ee u dambeeyey ayaa sababay kor u kac weyn oo ku yimi dadyowga dunida ee xiisaynaya Barashada afka Turkiga iyo dhaqankiisa. Sida oo kale xidhiidhada ganacsi ee adduunka uu la leeyahay oo sii xoogaysanaya ayaa kaalin weyn ka qaatay arrintan.

Madaxweynaha Turkiga oo arrintaas ka duulayaana waxa uu dhowaan ku dhawaaqay olole qaran oo uu hal ku dheg uga dhigay, “Af Turkigu waa caalami” kaas oo sida magaciisaba ka muuqata ujeedadiisu tahay in dunida lagu baro afka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan khudbaddiisa uu kaga hadlay ololaha caalamiyeynta afka Turkiga, waxa kale oo uu dadkiisa ugu sheegay muhiimadda uu leeyahay afku iyo sida aanu ummadi uga maarmi karin ku dheggenaanta afkeeda hooyo. Isaga oo ku tilmaamay in afku uu yahay waxa koowaad ee waddan ilaaliya, halka ciidamadu ay darajada labaad soo gelayaan. Sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Erdogaan waxa uu sheegay in dalkiisu uu ku dhawaaqista ololahan ku beegayo munaasabadda xuska sannad guurada toddoba boqolaad ee ka soo wareegtay dhimashada gabayaagii Turkgia ahaa ee Yuunis Amrah.  Isaga oo hay’adda dhaqanka, waxbarashada iyo Sayniska ee qaramada Midoobey UNESCO ku bogaadiyey in sannadkan 2021 ka ay ugu magac darto gabayaaga Yuunis Amra, oo 700 oo sano laga joogo dhimashadiisii. Yuunis Amrah waxa uu ahaa garsoore, gabayaa iyo suufi Turki ah oo toddobadii qarni ee u dambeeyey raadad waaweyn kaga tegey Afka Turkiga.

Madaxweyne Erdogaan waxa uu sheegay in ololaha lagu bilaabi doono 224 hawlood oo sannadka 2021 gudihiisa ay fulin doonaan wasaaradaha, waaxyaha dawladda iyo ururrada rayidka ah ee dalka Turkigu.

Mudane Erdogaan waxa uu cambaareeyey waxa uu ugu yeedhay dayacaad uu afka Turkigu kala kulmayo dadkiisa, isaga oo cadho ka muujiyey in afafka shisheeyaha ah laga horumariyo afka Turkiga.

Afka Turkigu waxa uu ka mid yahay afafka ugu faca weyn uguna fidsan afafka dunida lagaga hadlo, Isaga oo lahjado kala duwan ah ayaana lagaga hadlaa dhulal aad u ballaadhan oo ka mid ah qaaradda Aasiya iyo Yurubta Dhexe.

Guddoomiyaha Maxad loogu magac daray Gabayaa Yuunis Amrah oo lagu magacaabo Sharaf Atish ayaa waraysi uu siiyey wargeyska afka Turkiga ku hadla ee ‘Khabar Turk’ waxa uu ku sheegay in afka Turkigu uu waqtigan noqday noqday afka shanaad ee dunida loogu barasho badan yahay.

Maxamed Yuunis Amrah waxa uu adduunyada ku leeyahay 60 xarumood oo ka shaqeeya Barashada dhaqanka iyo afka Turkiga, isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Roomaaniya oo uu sheegay in 6 boqol oo masuuliyiin sare ahi ay dhowaan bilaabeen Barashada afka Turkiga. Meelaha uu sheegay in aad looga xiisaynayo Barashada Afka Turkigana waxaa ka mid ah Barka iyo Koonfurta Bari ee Aasiya, Maraykanka iyo Yurub.