Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inuu Madaxda Dhaqanka Xabsiga Ku Guri Lahaa; Haddii Uu Talada Dalka Hayo

0
618

Burco(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xabsiga u taxaabi lahaa salaadiinta wax nabadgalyada dhaawacaya warbaahinta mariya.                                                                                                                                                                                                         Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa madaxdhaqameeda dalka ku dhaliilay inay u xuub siibteen siyaasiyiin isla markaasna loo baahan yahay in dalka laga difaaco, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Sahan isaga oo ku sugan magaalada Burco, waxaanu isaga oo la waydiiyay sababta uu madax dhaqameedka dalka u dhaliilo uu yidhi“ Anigu halkaan ka soo jeedo waad ogtahay laakiin waxaan diidayaa kii dhaqanka u lahaa hidahana waxaan doonayaa inuu raaco habkii awoowyaashii oo aanu bahasha siyaasadayn, kuwan been beenta uqaatayna waan ka soo horjeedaa, hadana joogana waan wada xidhi lahaa, ninka maanta intuu cumaamad qaato raadye iyo idaacad isla soo taaga ee umadda isku dira suuqa muu mareen hadaan joogo, waatan balanta u qaadayna, markaas waxaan leeyahay fidnada ayaan ka hortagaaye dadka iskama maago, ma waxaad moodaysaa inaan qoladan Somaliya iska maago difaac ayuunbaan u ahay. Markaas nimankan aad sheegaysana waxaan ka difaacaa dalka iyo dadka miyaad aragtay qof kaliyaata oo suldaan ah ama caaqil ah oo leh tuuladayadu dugsi ma laha ee haloo dhiso, tuuladayadu ma laha cisbitaal ee haloo dhiso oo dadka waxooda ka hadlaaya, arki maysid, mid uu shaxaado ayuu doonayaa inuu wasiir nimo siiyo toban nin oo wasiir ah hadii la siiyo oo qoyskayga ah iyaga uunbaa isku filnaanaya ee miyay isoo gaadhayaan, maanta nabadani maxay u samaysmi wayday cuqaashii iyo salaadiintii ayaa hawshoodii ka soo bixi wayday siyaasadiibay noogu yimaadeen.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here