USA Oo Museveni Uga Mahadnaqay La Dagaalanka Al-Shabaab Iyo Duur Xulka Loo Raaciyay

0
643

ClintonKampala- (Geeska/W.Wararka)- Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hilary Clinton ayaa kulankii ay jimcihii dhowaa la yeelatay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni waxa ay si dadban ugu sheegtay in dalka Maraykanku aanu ka raalli ahayn in xilka madaxnimo uu inta uu doono iska sii haysto. Hilary Clinton ayaa ereyo duur xul loo fahmay ugu sheegtay madaxweyne Museveni in madaxda Afrika ay waajib ku tahay in ay dhowraan sharciga. Kulankan oo Clinton la yeelatya madaxweynaha dalka Uganda waxa uu qayb ka ahaa booqasho toddoba dal oo Afrikaan ah ay ku tagayso oo ay Arbacadii ka soo bilwoday dalka Senegal ee galbeedka Afrika.

Madaxweyne Museveni waxa uu hadda ku gudo jiraa xilligii Afaraad ee loo doorto madaxweynenimada dalkiisa oo uu qabtay sannadkii 1986-kii, waxaanay wararku sheegayaan in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku markii ay kula kulantay caasimadda dalkiisa ee Kampala ay ku ku boorrisay in uu hadda kadib ka fikiro ciddii si dimuqraadi ah talada dalka ugala wareegi lahayd.

Xoghaye Clinton waxa ay kula dardaarantahy Museveni in uu dhiso hay’adaha dimuqraadiga ah ee Uganda sharciyaddana xaq dhowro, “Annaga mawqifkayagu waa in uu jiro dastuur caddaynaya xeerarka ay tahay in uu qof kastaa raaco… Ma doonayno rag awood badan, ee waxa aanu doonaynaa hay’ado dawli ah oo awood badan” ayaa ay Clinton mar kale ku celisay markii ay u gudubtay magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Sudan. Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxa ay tidhi, “Xidhiidhkayagu kuma dhisna shakhsiyaad hoggaamiyeyaal ah, waxa uu ku dhisan yahay umadda, dadka ayaanu xidhiidhka la leenahay, dawladda ayaanu la leenahay”

Museveni waxa uu Maraykanka la yahay xulafo dhinaca amniga ah, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukunkiisa iyo hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda ayaa si joogto ah ugu eedeeya in uu ku dhaqmo siyaasado keli talis iyo cabudhin ah, arrintaas oo culays ku haysa dalka Maraykanka.

Dhinaca kalana waxa ay Hilary Clinton uga mahadnaqday madaxweynaha Uganda gacanta uu ka geystay nabad ilaalinta Soomaaliya oo ciidamada dalka Uganda laf dhabar u yihiin ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta Soomaaliya oo uu maamulo ururka Midowga Afrika. Iyada oo si gaar ah uga mahadnaqday dagaalka ay ciidamadaasi kula jiraan ururka Alshabaab ee hore uga talin jiray inta badan ee koonfurta Soomaaliya.

Maraykanka waxaa dalka Uganda ka jooga ciidamo gaar ah oo kuwa dawladda ka caawinaya soo qabashada hoggaamiyaha jabhadda mucaaradka ku ah dalka Uganda ee LRA Joseph Kony oo la aaminsan yahay in uu ku dhuumaalaysanayo kaymaha iyo dhulka miyiga ah ee xuduudaha Afrika. Kony ayaa loo haystaa in jabhaddiisu ay gashay dembiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Madaxweyne Musaveni oo da’diisa tahay 68 jir ayaa sannadkii 2005-ta beddelay dastuurka dalkiisa qodobkii xilliga madaxweynaha ku xaddidayey laba jeer oo min shan sano ah, si uu mar saddexaad iyo afaraad kursiga ugu soo noqdo.

Marka la eego sharciga hadda ee dalkaasna xilliga aanu dastuurku u ogolayn in uu talada dalka u tartamaa adaa waa marka uu gaadho da’da 75 jirka, waxa aanay dad badani aaminsan yihiin in Museveni hadda sii quud-darraynayo in uu mar shanaad murashaxnimada dalka isu soo taago marka la gaadho sannadka 2016-ka, xilligaas oo ay da’diisu noqon doonto 72 jir.