Taliye Fadal Oo Sheegay Inay Boolisku Qabteen Khamri Hargeysa Lagu Sameeyay

0
610

fadalHargeysa(Geeska)- Taliyaha ciidamada booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa warbaahinta u soo bandhigay khamri samays ah oo ay ciidamada booliisku  ku soo qabteen hawlgalo ay ka sameeyeen magaalada Hargaysa, sida oo kale waxa uu taliyahu sheegay inay soo qabteen laba qof oo ku eedaysnaa khamrigaas inay samaynayeen iyo waliba dhawr iyo toban qof oo wakhtigaas sakhraansanaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay Dirayska ay ku labisan-yihiin Ciidamadii dhawaan ka soo baxay Dugsiga Tobabarka Degmada Mandheera, kaas oo la ba-bar dhigay kuwa ay ku labisan yihiin Ciidamada Booliska Somalia waxaanu sheegay in aanu u eekayn Dirayskaasi, isla markaana aanu u dhaweyn.

Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Iimaan Fadal waxa kale oo uu ka hadlay hawl-galo ay fuliyeen Ciidanada Boolisku, kuwaas oo ay ku soo qab-qabteen Mukhadaraad iyo dadkii watay, waxaanu tilmaamay in Sharciga la hor-gayn doono, waxaanu sidoo kale digiin u diray Dhalinyrada Rashka ku qarixiya guddaha Magaaladda, taas oo uu sheegay in talaabo laga qaadi-doono Ganacsatada ka iibiya.
Taliyaha Boolisku waxa uu sidaas ku sheegay Mar uu shalay Warbaainta kula hadlay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa.  Ugu horayn Taliyaha oo ka hadlaya hawl-galadii ay fuliyeen ee ay ku qab-qabteen Mukhadaraadka, waxa uu yidhi “Booliska Somaliland wuxuu ku jiraa hawl-galadiisii lagu xoojinayey amaanka, waxaanu hawl-galadii ugu dambeeyay Ciidanka Boolisku qabtay Mukhadaraad Khamri samaysa ah iyo waxyaabo kale oo laga samaynayey, muddo dheer ayuu Ciidanka Boolisku arrintaas daba socday, waxaanu ku guulaystay in labadii eedaysane ee samaynayey ay gacanta ku dhigaan. Waxa kale oo aanu hawl-gal balaadhan xalay ka galnay Xaafada Daami Ciidanka Boolisku waxay ku guulaysteen dhawr goobood oo Mukhadaraadka lagu iibiyo, waxaanay ka soo dhabteen 14 Qof oo dhamaantood wax Sakhraansan iyo wax Caagado lagu soo qabtay, kuwaas oo Sharciga la horgayn doono”

Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal waxa kale oo uu digiin u diray Dhalinyarada Rashka ku qarxiya Magaaladda waxaanu yidhi “Waxa kale oo muhiimada ugu weyni ee maanta aan idinku yeedhay tahay madaama oo ay Ciidii soo dhawdahay oo kala badhkii Bisha Ramadaan maanta la dhaafay dhibaataa soo kordhay, dhibaatadaasi waxa weeyaan bahalka Rashka la yidhaahdo ayaa waxaan halkan Bulshada reer Somaliland uga soo jeedinayaa Nimanka dhalinyarada ahaa ay dadka ama Masaajidada hortooda ama Dumarka-ba ay ku qarxinayaan, waxaan u soo jeedinayaa in arrintaas dadka Ganacsatada ahi ka waantoobaan oo dadka aan Xil-kaska ahayn ee ay ka iibinayaan aanay ka iibin cidii lagu helana talaabo Sharci ah laga qaadi-doono, waayo arrintaa Rashku khatarteeday leedahay dhalinyaradii waxa laga yaaba in Gabadh Xaamilo ah ay ku qarxiyaan oo dhibaato ka timaaddo, Masaajiday Xalay cawayskii Albaabada u dhigeen, waxaan uga digayaa Bulshada reer Somaliland inay ka feejig-naadaan oo cidii waxyaabahaas samaynaysa ay Ciidanka Booliska gacanta u soo galiyaan. Waxa kale oo hawl-galada Gobolka Togdheer habeen hore lagu qabtay shan Jirkaan oo Kharmi ah iyo cidii wadatay.”

Taliyaha Ciidanka Booliska oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Hawl-galadaasina waa qaa- joogto ah, waxa kale oo aan u digayaa dadweynaha Gaadiidlayda kala duwan ee hadda jeer, iyadda muddooyinka dambe Shilalku bateen, taas oo ay ugu wacan tahay xawaare dheeraad ah (High-Speed), taas oo ay dadbadani Nafahoodii ku waayeen, waxaan u soo jeedinayaa Darawaliinta Gaadiidka kala duwan inay u socdaan si caadi ah , cidii falalka noocaas ah lagu heli iyaddo oo xawli ku socota in talaabo adag laga qaadi-doono.”

Taliyuhu waxa kale oo uu si adag u beeniyey war ku soo baxay Wargeyska Waaheen , kaas oo sheegay in Ciidamo Boolis ahi ay boobeen Raashin, waxaanu yidhi “Wargeyska Waaheen ayaa baryahan qorayey Ciidan Boolis ah oo Jaamalaye Hargeysa Raashin ku boobay, Jaamalaaye meel la yidhaahdo oo Hargeysa ku taalaa ma jirto taasna cadaynayasa in aanay waxba ka jirin, arrintaas markaan masuuliyiinta Gobolka Saaxil, Taliyihii qaybta iyo Dadkii Raashinka qaybinayey-ba weydiiyayn waxay noo cadeeyeen in wax Ciidanka Boolisku boobeen aanay jirin. Tan kale oo u isla cadadkan maanta ku soo qoray Wargeyska Waaheen Sheekh Madar-baa Raashin lagu boobay arrintaas iyadda-na waxba ka jiraan, waxaanan Wargeyska Waaheen u soo jeedinayaa waxyaabaha noocaas ah inta aanu sheegin in uu la soo xidhiidho Taliska Booliska oo uu na weydiiyo xaqiiqda”

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman oo la weydiiyey Su’aal ahayd in Dirayska ay ku labisan yihiin Ciidamada dhawaan ka soo baxay Dugsiga Tobabarka Mandheera ay la mid yihiin kuwa ay ku labisan yihiin Ciidamada Somalia, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dirayskaas waa la yaqaanaa umana eeka umana dhawa wax ka jiraana ma jirto, cidii si kale u fasiraysay iyaddu ayay u taalaa, waxaanan leenahay dadka waxa wanaagsan u turjuma ee waxa xun ha u turjumina cida waxaa wada Dirayskaasina, Dirayskaas shaqo kuma laha waana wax lagu faano Ciidanka oo Dirays isku mid ah sita, kuwa kale-na INSHA ALLAH is isku mid ah ayuu Diraysku iskugu soo gaadhi-doonaa”