Guddiga Tallo Iyo Tawfiiq Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Xaaladda Uu Wadanku Marayo

0
1824

h yBurco(Geeska)-Gdiga guud ee beelaha Habar-yoonis ee Talo Iyo Tawfiiq ayaa ka hadlay marxaladaha xaasaasiga ah ee dalku maraayo iyo wadashaqayn la’aanta Xukuumadda ka dhex jirta.

Sidoo kale gudigan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunooda magaalada Burco oo go’aamo ay arimahan kaga hadalayaan ka soo saaray ayaa ugu baaqay Xukuumadda  in ay wax ka qabato arimaha cakiran ee dalku galay ee mudooyinkii u danbeeyay isa soo taraayay.

  “ Hadaanu nahay gudiga Talo Iyo Tawfiiq ee beelaha Habar-yoonis waxaanu maanta Shirka jaraa’id u qabanay in aanu ka hadalo dhawr qodob oo ah xaaladaha dalka ka taagan ,markaa sida aynu la socono waxa maanta dalku marayaa marxalad aad iyo aad xasaasi u ah oo aan hore wadanka usoo marin 21-kii sano ee Somaliland jirtay ,waxa kale oo aynu ka wada dheregsanay halka ay marayso siyaadasa debeda ee Somaliland iyo xaalada gudaha ee dalku ku jiro oo maalin-ba maalinta ka danbaysa ka sii daraysa ,oo ay ugu danbaysay khilaafka iyo wada shaqayn la’aanta ka dhex taagan xafiiskii madaxtooyada Somaliland ,macnaheeduna yahay  masaajidkii ayay qaylo ka dhex yeedhay “ Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha gudiga Talo iyo Tawfiiq oo shirkaasi ka hadlaayay waxaanu intaasi ku daray .

“ Sidaa awgeed iyadoo gudiga guud ee beelaha habar-yoonis dareenkaasi la wadaagta umada reer Somaliland waxaanu dhamaan shicibka reer Somaliland usoo jeedinaynaa arimaha hoos ku qoran.

1)      in wadanku u baahanyahay wada tashi qaran oo deg deg ah iyo in wax walba oo cabasho ah oo khilaaf keeni kara ama isku dhac  in lagu dhameeyo wada hadal si looga fogaado wixii nabadgelyo daro keenikara ,waayo dalkani waxa uu ku soo caano maalay nabad-gelyo nabadgelyaduna maaha mid dawladi keentee waa mid shacabku gacmihiisa ku keenay

2)      Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadu in ay dareento masuuliyada wayn ka saran qaranka cadaalad-na wax ku maamusho isla markaana ka fiirsato go’aamada tijaabinta ah ee ay ku talaabsanayso ee kicin kara dareenka bulshada ugana sii daraaya xaalada uu maanta dalku maraayo ,.

3)      Waxaanu kale oo aanu ugu baaqaynaa xukuumadda in ay ogolaato in wada hadal lagu dhameeyo cabashooyinka iyo khilaafaadka jira oo ay ka jawaabto waxay dadku kaga cabanayaan xukuumadda.

4)      Waxaanu kale oo aanu usoo jeedinaynaa golayaasha qaranka guurtida iyo baarlamaanka cod shacab ayaa lagu doortee  in ay ku dhiiradaan waxka qabashada xaaladaha wadanka ka dhacaaya oo aaney indhaha ka qarsan si dalka loo bad-baadiyo “ Sidaasi ayuu Guddoomiye Xasan Xuseen  hadalkiisa kaga baxay.

 Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gudiga nabad-gelyadda gudiga Talo iyo Tawfiiq Jaamac Ganaf-cade iyo Maxamuud Dirir Xasan waxaaney iyana ugu baaqeen madax-dhaqameedka Somaliland iyo dadka kale ee waxgaradka ah-ba in ay xil iska saaraan sidii loo bad-baadin lahaa dalka isla markaana wax looga qaban-lahaa arimaha dhacaaya ,kuwaasi oo ay ku eedeeyeen Xukuumadda talada haysa.