Hargeysa(Geeska)- Urur siyaasadeedka XAQSOOR, ayaa Isniintii 13 Murashax ku soo bandhigay degmada Salaxley.
Munaasibad si heer sarre ah loo soo agaasimay, ayaa loo sameeyey shaacinta 13-ka Murashax ee iska soo sharaxay urur-Siyaasadeedka XAQSOOR, waxaana ka qayb-galay Wafti culus oo ay hogaaminayaan Axmed Muuse Sh. Haaruun oo ka mida Xubnaha Guddida fullinta ee Ururkaas iyo Eng Cabdiqaadir Iimaan oo isaguna ka mid ah Xubnaha sar sarre ee Guddida fullinta, garabyada Haweenka iyo shacbiga reer Salaxley.
Xubnaha waftigan balaadhan oo ka anbabaxay caasimadda Hargaysa, ayaa dadweynaha ku dhaqan degmada Salaxley ay horyimaadeen, iyagoo lulaya Calanka Urur-siyaasadeedka XAQSOOR, isla markaana ku dhawaaqaayey erayo hal-dhigyo ah oo ay ka mid yihiin “waa XAQSOOROO Caddaaladbuu sidaa” iyo erayo kale oo soo dhawayn ah.
Axmed Muuse Sh. Haaruun oo ka mida Gudida fullinta ee urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo madashii shaacinta 13-ka Murashax hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahad-celiyey dadweynaha reer Salaxley sida quruxda badan ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo tilmaamay in urur-siyaasadeedka XAQSOOR uu hiil iyo hoobba marti uga yahay shacbiga reer Salaxley, isagoo daboolka ka qaaday soo dhawaynta qiimaha leh ee ay maanta muujiyeen inay ka marag kacayso sida aanu Urur-siyaasadeedka XAQSOOR ula sinayn ururada kale.
Waxa kale, oo isaguna Madashaas ka hadlay Eng Cabdiqaadir Iimaan waxaanu u mahad-celiyey shacbiga reer Salaxley, isaga oo gaadhsiiyey Salaan uu uga siday Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka XAQSOOR Md Xasan Ciise Jaamac oo hawlo ururka gudihiisa ah uga baaqsaday Munaasibadaas.