Shalay Iyo Xafladii Xil Wareejinta Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta

0
620

 

wasaaradaHargaysa( Geeska )- Wasiirka cusub ee saarada war-faafinta iyo wacyigalinta Md.Abiib Diiriye Nuur iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaas loo soo magacaabay Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa uu si rasmiya xilkii ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaas Md. Cabdiraxmaan  Yuusuf Ducaale ( Boobe ).

 

Munaasabdan xilka ay kula kala wareegayeen masuuliyiintan ayaa ka dhacday gudaha wasaarada war-warfaafinta iyo wacyigalinta, waxaana hadalo ka soo jeediyay wasiirka cusub ee wasaaradaas loo soo magaabay iyo wasiirkii hore ee wasaaradaas xilkeeda wareejinayay.

Md. Boobe Yuusuf Duceele oo ugu horayntii ka hadlay xafladan uu xilka ku wareejinayay, ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku amaanay xilka uu u dhiibay, ka na qaaday, waxaanu si  faahfaahsan uga warmay waxyaabhii uu qabtay intii uu xilka hayay, isaga oo ugu danbayntiina codsaday in la fuliyo inta ka hadhsan digreetadii wasaaradeed ee uu soo saaray iyada oo la dhawrayo milgaha dawladnimo.

Sida oo kale wasiirka cusub ee wasaaradaas loo soo magaabay Abiib Diiriye , ayaa isaguna dhankiisa ka waramay walaac xoogan oo uu ka qaaday wasaarada war-faafinta markii loo magacaabay iyo mushkilado uu sheegay inay ka jiraan wasaaradaas, isaga ugu danbayntii sheegay inuu wasaaradaas wax uga qaban-doono si cadaalada ah.

Ugu horayntii waxa xafladaas uu xilka ku wareejinayay ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada war-faafinta Md.Boobe Yuusuf Ducaale, waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, marti-sharafta, shaqaalaha iyo dhammaan dadkiinna ka soo qayb-galay xafladdan bilan ee aan xilkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ku wareejinayo, aniguna aan ku sii dallacayo ee aan ku noqonayo Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, waxaan idin leedahay soo-dhawaada.  Madashan uma aan hollan in aan ka jeediyo khudbad dheer oo aad ku hafataan, qaarkiinna iguba hiifaan. Xaasha! Waxaan u holladay in aan si sar-ka-xaadis ah u guud maro wax-qabadkayagii koobnaa, muddadii saddexda bilood ahayd ee aan halkan joogay ama aan hoggaankaba ka ahaa.” Boobe isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Marka hore Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayay gallad iyo mahadiba u sugnaadeen. Mar labaadka waxaan halkan mahad aan duugoobin uga celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo xilkan ii igmaday bishii Maaraj 14dii 2012ka, isla markaana aan la wareegay 19kii Maaraj  2012ka. Waxaan leeyahay, Mudane Madaxweyne kalsoonida aad xilkaa iigu dhiibtay mahad iyo abaalba waan kuugu hayaa. Qaddarin iyo qiimayn tix-gelintooda leh ayay ahaayeen. Mudane, Madaxweyne, waxa kale oo aan kaaga mahad-celinayaa xil-ka-qaadistii 29kii Ogos 2012ka oo aanan ka xumaan, bal se aan naxariis iyo naruuraba u qaatay. Iyadana waan kaaga mahad-celinayaa oo qaddarin iyo qiimaynba waan u qaadanayaa. Waxa kale oo aan qof ahaan  Madaxweyne, kaaga mahad-celinayaa qaddarintii iyo tix-gelintii aynu ku wada hawl-gallay muddadii koobnayd ee aynu wada-shaqaynaynay, taas oo salka ku haysay muddadii dheerayd ee aynu soo wada-shaqaynay ama soo wada-halgannayba, kana soo bilaabmaysay ku-sinnaan 1976kii.”

Wasiirkii hore ee wasaarada war-faafinta Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu si faahfaahsan uga waramay waxyaabhii u qabsoomay intii uu xilka wasaaradaas hayay. Waxanu ugu danbayntii hadalkiisa ku soo gunaanday codsigan “ Aniga oo hore af iyo qoraalba ku codsaday, waxaan madashan marti uga ahay in la fuliyo digreetadii Wasaaradeed ee aan soo saaray 27/8/2012-ka Qodobkii ka hadhsanaa si loo dhowro milgaha dawladnimo iyo maamuska habsami-u-socodka maamul. Aniga oo rajaynaya in aad xilalkaas oo dhan hanan doonto, waxaan si rasmiya kuugu wareejinayaa xilkii ballaadhnaa ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland. ilaahay adiga iyo inta kula hawl-gelaysaba ha idinku gargaaro oo ha idinku asturo hawlaha xasaasiga ah ee idin sugaya, Sidaasna waan ku duceeyay. Aammiin. Gobannimo dadkaa mudan, Galladdana Allayska leh.”

Wasiirka cusub ee warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay wasiirkii hore oo si niyadsami ah xilka ugu wareejiyay. Wasiirka cusubi waxa kale oo uu sheegay in dad badani la soo xidhiidheen mudadii uu magacownaa isla markaana walaac ku abuureen “Anigu imika shantii cisho ee aan magacownaa waxa ila soo hadlay malaa Laba Boqol oo nin ayaa igu yidhi maxaad meesha ka doontay.? Waxay igu yidhaahdeen malaa madaxweynuhu markuu meesahan kuu magacaabay wuu ku dilayaa. Waayo kolayba anigu intaan xasuusan nahay illaa afar Wasiir ayaa soo maray wasaarada warfaafinta muddo laba sanadood gudahood ah,”ayuu yidhi Md. Abiib Diiriye

Wasiirka cusubi waxa uu intaasi ku daray “Markii aan waydiiyay ee aan idhi meesha maxaa jira waxa la igu yidhi meeshu (Wasaaradu) waa meel kadeedan oo dadka joogaa hadal uun ka shaqeeya oo kulul baa meesha jooga. Wasiir wal oo afartaas Wasiir meesha yimaadaaba waxa uu kaga tagay 30 qof oo shaqaale ah oo uu qoray. Shaqaalihiina waxay marayaan 600-700 oo qof.”

Wasiirku waxa uu ILAAHAY ka baryay inuu ILAAHAY u fudaydiyo xilka wasaaradda, waxaanu balan qaaday inuu si cadaalad ah u Hoggaamin doono, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inay inoo hagaagto oo aan toosino wasaaradda inta aanu meesha gacanta gelino anagoo si cadaalad ah u toosino ayaa naga go’an.”

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka cusub ee wasaarada warfaafinta Md. Cabdllaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay inay ku dedaali doonaan inay ka shaqeeyaan horumarka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta.