Ururka Wershadaha Oo Cambareeyay Xidhiga Madaxda Wershadaha Dur-Dur Iyo Zamzam

0
661

Hargeysa(Geeska)-Ururka wershadlayda Somaliland ayaa cambaareeyay xadhig ay ku eedeeyay inuu maayarka Hargeysa kula kacay wershadaha Samsam iyo Durur ee biyaha soo saara.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha ururka wershadaha Somaliland Maxamed Sheekh Cumar, ayaa wuxuu u qornaa sidan “Haddaanu nahay Ururka Warshadleyda Dalka (NIA) waxaanu cambaaraynaynaa xadhigii lagula kacay masuuliyiinta shirkaddaha biyaha ee Hargeysa. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin Warshadda  Dur-Dur  iyo Warshadda Zamzam. Taasi oo uu kula kacay Duqa Caasimadda Hargeysa maalintii taariikhdu aheyd 23rd February, 2017ka iyada oo uu u socday wada hadal Ururka Warshadleyda Dalka iyo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.”