Taliye Fadal Oo Ka Waramay Hawlgal Lagu Beegsanayo Wadayaasha Aan Liisanka Lahayn

0
639

Hargeysa (Geeska)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay hawl-galada muddooyinkii ugu dambeeyey ka socday dalka ee ah in la xidho dadka bilaa liisanka ku wada Baabuurta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa dhanka kale wuxuu fariin u diray wadayaasha gaadiidka yar yar, waxaanu ugu baaqay inay baabuurtooda u sameeyaan calamadaha ay dawladda hoose ku amartay,waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa shacabka reer Somaliland sida wanaagsan ee ay ugu hogaansameen inay shuruucda ku dhaqmaan, waxa kale oo aan amaan u soo jeedinayaa Ciidanka Booliska guud ahaan, gaar ahaan waxaan amaan u soo jeedinayaa Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka,waxaan dadweynaha u sheegaya sharcigu wax buu  tarayaa wadayaasha gaadiidka, laakin haddii aanad sharci lahayn waxyeelo ayaad la kulmaysaa”.

Taliyaha Ciidanka Booliska mar uu baaq u diraayey Baabuurta yar yar ayaa yidhi “Waxaan fursadan uga faa’iidaysanayaa baabuurta yar yar  ee loo yaqaano fujista ama tukhaanka sida aad la socotaan baryahanba dawladda hoose calaamdihii bay u sameeynaysay waxyaabo badan bay faa’iido ka tahay xagga nabadgalyada, waana inay ku dhaqmaan oo ay sameeystaan, ciidanka booliskuna guud ahaan olole ku qaadi doonaa, iyadoo hawshaas laga duulayo, oo laga eegayo dhanka nabadgalyada iyo dhinaca kasta”.

Dhanka kale wuxuu Taliyuhu sheegay in hawlagaladani sii socon doonaan, waxaanu sheegay inay in aan cidna laga yeeli doonin  liisan la’aan.