Guddoomiyaha Guurtida Oo Golaha Hordhigay Mawduuca Muddo Kordhinta Madaxweynaha

0
728

Hargeysa (Geeska)-Kal-fadhigii 62aad ee Golaha Guurtida oo shalay dib u furmay, ayaa ayaa Guddoomiyaha Guurtida oo halkaas ka hadlay wuxuu ka warbixiyey muddo kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiilada, ee loo soo gudbiyey,waxaanu sheegay in madaama muddo xileedkii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada  oo dhammaad ku dhaw, in Todobaadkan guddihiisa guda gali doonto, waajibkeedana ka gudan doonto.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay dawladda cusub ee Somaliya ka dhalatay, waxaanu ugu baaqay inay dawladnimadooda ku eekadaan, oo aanay faraha la soo gelin Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya furitaanka kal-fadhigan 62aad iyo abaarta jirta“Waxaynu maanta (shalay), iskugu nimid kal-fadhigii 62aad, oo ku soo hagaagay wakhti kulul, oo abaaruhu ka kow yihiin, ILLAAHAY abaaraha ha inaga damiyo, ILLAAHAY naxariistiisa ha ina siiyo, ILLAAHAY roob khayr qaba ha inoo shubo, xil baa inaga saaran abaarta iyo dadkeena, wixii aad geysan karaysaan ilaa hadda waad geysateen, haddana abaarti wey socotaa, ilaa inta uu ILLAAHAY inaga dulqaadayo waanu u feejignaanayna, oo waad u feejignaanaysaan”.

Guddoomiyaha Guurtida ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta Xukuumadda ee loo soo gudbiyey Golahooda yidhi “Muddooyinkii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladu waa dhammaad, kii Deegaanaduna waxba kama dambeeyo, waa sannad is bedel badan, xil iyo hawliba wey inoo taala, todobaadkan haddii ALLE idmo waanu idin hor keeni doonaa,Goluhu xilkiisa ka gudun doonaa, haddii ALLE ina gaadhsiin waxba jri maayaan”.

Guddoomiyaha Guurtida mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha Somaliya iyo sameeynta ay dawladdiisu ku yeelan karto Somaliland ayaa yidhi “Somaliya dawlad cusub baa ka dhalatay, wey ina sameeynaysaa, in ku filan baa haysata ha ku eekadeen, anagu aflagaadan mayno dhibaatana u geysan mayno, anaguna tadaakhul ka aqbali mayno, dawlad cusub baa ka dhalatay, in ku filani wey hor taala, inagana xilkeenii uu inoo yaala, tooda ha ku eekadeen inaguna teena ayeynu ku eekanaynaa, ILLAAHAY mawaafaqo ha siiyo, mawaafaqadu waa inta aynu dheer nahay”.