Laba Nin Oo Safar Ah Oo Habeen Hore Lagu Dilay Magaalada Oog Iyo Shacabka Oo Wada Jir Uga Xumaaday

1
622

 

Caynaba( Geeska )-Alle haw naxariiste waxa habeen hore degmada Oog ee gobalka Caynaba, lagu dilay laba nin oo safar ahaa oo u dhashay Beesha Dhulbahante.

Labada nin ee la dilay oo deegaan ahaan ka soo jeeda  Buuhoodle ayaan la garanayn sababta loo dilay, Ilaa haddana lama garaanayo cida gaysatay falkan dilka ah, hase ahaatee wararka laga helaayo deegaanadaas ayaa sheegaya inuu fakaday qofkii dilkan gaystay. Labada marxuum ayaa degenaa hoteel magaalada ku yaala, waxaana la sheegay inay magaalada Lascanod ka soo qaadeen haweenay uur lahayd oo u baahnayd xaalad caafimaad oo deg deg waxaanay ku sii wadeen magaalada Burco.

Dilkan ayaa naxdin ku abuuray dadka reer Somaliland ee dedaalka ugu jiray xalinta khilaafaadka Beeleed ee dagaalada sababay.

Comments are closed.