Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Ayaa Baahiyey Liistada Musharaxiinta Shirwaynaha 8aad Ee Ururka

0
284
Magacyada Musharixiinta Doorashadda Hogaanka Sare Ee SOLJA Iyo Musharaxiin Iska Dhex Wayay

Hargeysa (Geeska)Gudidda Qaban Qaabada Shirwaynaha  SOLJA ayaa bayaan ka soo saaray arimaha doorashada hogaanka sare ee ururka. Guddida qaban qaabada shirweynaha 8aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxay ku dhawaaqay Liiska Musharraxiinta u tartami doona hogaanka sare ee Ururka SOLJA. Doorashada Hogaanka sare ee ururka oo la filaayo in ay dhacdo dhawaan, ayaa maanta oo bishu tahay 30 kii bishii 12aad qoraalka shaacinta soo saaray. Gudidda Qaban Qaabada ayaa Shirka waynaha ururka aya maalmahanba ku hawlana Qabashada araajida ee musharaxiinta Hogaanka sare. Waxan Liiska ku jirin Xubno hore warbaahinta uga shaaciyey in ay u tartamayaan hogaanka sare ee SOLJA, walow aan faahfain laga laga hayn sababaha keenay maqaanta liistada.

Gudidda Qaban qaabada ayaa sida wararku sheegayan dajiyey hanaan xulista Musharaxnimada Hogaanka iyo Shuruudo laga rabo ka hor intaan doorashada la galin.

Ugu dambayn, Gudidda Qaban Qaabada Shirwaynaha 8aad ee Doorashada Hogaanka sare Waxay shalay warbaahinta la wageen liistada Musharaxiinta Hogaanka, kuwaas oo ka gudbay Shuruudihii kobaad ee Musharaxnimada, sidoo kalena doorashada ku tartami doona.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Suxufiyiinta Somaliland iyo Gudiida qaban Qaabadda Shirwaynaha ayaa u dhignaa sidan.

“Ujeeddo: Shaacinta Tartamavaasha Hogannka sare ee SOLJA

Sida aynu and la socono, Guddida qaban-qaabadu waxa ay maalmahanba ku mashquulsanayd kala saarista codsayaasha u tartamaya Hogaanka sare ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee

SOLJA, oo shir-weynihiisa siddeedand u muddaysan yahay 31-ka Bishan Diisambar 2023.

Guddida waxa soo gaadhay codsiyada 29 xubnood oo soo gudbiyay dhukumantiyadoodií kuwaasi oo lagu sameeey hubin iyo xaqijin la xidhiidha dhukumantiga ay soo gudbiyeen iyada oo loo eegayo shuruudihii hore guddidu u faafisay iyo caddaymaha dhukmatiyada ay soo gudbiyeen

Haddaba, Guddidu waxa ay si rasmi ah u shaacinaysaa Liiska codsiyada u gudbay tartanka doorashada shirweynaha siddeedaad ee Ururka suxufiyinta Somaliland ee SOLJA. Kuwaasi oo kala ah:-

  1. Axmed Khaalid Ibraahim
  2. Badri Koosaar Maxamuud
  3. Cabdikariim Sicid Saalax
  4. Cabdirashiid Cabdiwahaab Xuseen
  5. Cali Xasan Sugulle
  6. Caydaruus Maxamed Axmed
  7. Farxaan Maxamed Caydiid
  8. Hoodo Ismaaciil Jaamac (Qalbi)
  9. Ibraahim Faaax Diiriye (Macaaneeye)
  10. Khadar Haybe Maxamed
  11. Axmed Cali Cige
  12. Maxamed Cabdi Cabdillaahi (Andar)
  13. Maxamed Faarax Bile
  14. Muna Ibraahim Dhakhtar
  15. Raxma Cabdillaahi Maygaag
  16. Ridwaan Caydiid Ismaacil
  17. Sagal Beeldeeq Axmed
  18. Shaafici Maxamed Ibraahim
  19. Shaakir Cabdi Axmed”