Dhukumiintiyo Sir Ah Oo Dowladda Ingiriiska Shaacisy Oo Ku Saabsan Xisbullah Iyo Bariga Dhexe

0
272

Dhukumiintiyo sir ah oo hadda laga helay Ingiriiska ayaa muujinaya in xukuumaddii ra’iisul wasaarahii hore ee Boqortooyada UK Tony Blair ay 20 sano ka hor dajisay qorshe la doonayay in lagu kala diro garabka milatari ee Xisbullaah, taas oo ahayd hadafka dalalka Maraykanka iyo UK.

Hirgalinta qorshahaan waxaa ay doonaysay dowladda Ingiriiska in uu kala shaqeeyo ra’iisul wasaarahii hore ee Lubnaan Rafik Xariri. Sida laga soo xigtay dukumeentiyada oo dhawaan la shaaciyay, Ingiriiska ayaa wadahadal qarsoodi ah oo “miro dhal ah ” la qaatay Xisbullah, waxaana uu ka codsaday in Xisbullaah ay ka shaqeyso siyaasadda oo kali ah balse arrintaas waa uu ku guuldarreysatay in uu ku qanciyo. Horraantii bishii Luulyo 2003, Tony Blair wuxuu ku casuumay Xariiri inuu booqasho ku tago London ka dib wadahadallo socday muddo bil ah oo dhexmaray ra’iisul wxilligas Boqortooyada UK iyo Mmadaxweynahii Faransiiska Jacques Chirac. Madaxweynahii Faransiiska waqtigaas Jacques Chirac ayaa ku tilmaamay Xariiri inuu yahay “nin aragti dheer” iyo “falanqeeye caqli badan marka laga hadlayo hannaanka geeddi-socodka nabadda, gaar ahaan marka la eego fikirka (hoggaamiyaha Falastiin Yaasir) Carafaat,” isagoo kula taliyay Blair inuu dhageysto isaga, sida dukumentiyada Ra’iisul Wasaarahii Ingiriiska ay muujinayaan. Ingiriiska iyo Maraykanku waxay xilligaasi raadinayeen iyagoo kaashanaya Israa’iil, si ay uga dhaadhiciyaan Yaasir Carafaat in lagama maarmaan ay tahay in uu la shaqayeeyo Maxamuud Cabaas oo markaasi laga dhigay ra’iisul wasaare leh awood ballaaran. Inkasta oo Tony Blair uu Xariiri ku casumay in uu booqdo (10 Downing Street) oo ah xarunta dawladda Ingiriiska, haddana qiimaynta wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriisku waxay shaki galisay in Xariiri uu leeyahay “aragti gaar ah oo ku sabaasan Carafaat.” Sidaas oo jirta haddan wasaaradda arrimaha Ddibadda ayaa soo jeedisay in “Xariiri uu mudan tahay in la dhegeysto sababtoo ah wuxuu si qoto dheer ugu lug leeyahay siyaasadda gobolka, isla mar ahaantaana, waxaa uu lahaa hanti oo gobolka oo dhan “. Wasaaradda arrimaha dibadda waxaa kale oo ay tilmaantay in muhiim tahay in la baaro xariirka mustaqbalka xariirka madaxweynaha Suuriya Bishaar Al asad iyo Xariiri. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ku raacday la-taliyayaasha Tony Blair baahida loo qabo in laga faa’iidaysto Xariiri “si loo go’aamiyo waxa Boqortooyada Ingiriisku ka rabto Lubnaan.” Xafiisyada Blair iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Jack Straw ayaa diiradda saaray arrimaha ku saabsan siyaabaha loola macaamili karo Xisbullah.

khatar ka jirta koonfurta Lubnaan Warbixin uu siiyay xafiiska Blair, xoghayihiisa gaarka ah ee Straw, Cara Owen, ayaa lagu yiri: “Waa inaan ku cadaadinnaa Xariiri inuu ka shaqeeyo hadafkan, oo ah in ciidamada Lubnaan ay beddelaan xoogagga Xisbullaah ee ku sugan xadka.” “Waa in aan u soo jeedinnaa Xariiri, dareenka iyo sameeynta ku imaan doonta xariirka dalka Lubnaan iyo reer galbeedka haddii ururka Xisbullaah, oo hoggaankiisu uu joogo Lubnaan, uu weeraro bartilmaameedyada reer galbeedka ay leeyihiin” ayaa lagu yiri qoraalka . Waqtigaas waddamada reer galbeedka waxay si firfircoon ugu mashquulsanaayeen Golaha Jihaadka,oo ah garabka militariga iyo amniga ee Xisbullah, iyadoo la eegayo xiisadda ka dhex aloosanayda Xisbullaah iyo Israa’iil, taas oo ilaa hadda ka jirta deegaannada koonfurta Lubnaan. Waxaa la go’aamiyay in mid ka mid ah yoolalka kulanka Blair iyo Xariiri uu ahaado “in lagu booriyo” hoggaamiyaha Lubnaan “inuu isticmaalo saameyntiisa si uu ugu dhiirigeliyo Xisbullah inuu xiro garabka militariga oo uu diiradda saaro siyaasadda.” Sidda dukumiintiyada sir ah ee laga helay Ingiriiska ayaa muujiyeen waxaa jirtay cabsi laga qabo in kooxda Xisbullah ay weerarto bartilmaameedyada reer galbeedka.

Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka xilligaasi ayaa yiri“Waxaan rumeysannahay in garabka argagixiso ee Xisbullah, gaar ahan ururka ammaanka dibadda ee (Golaha Jihadi), uu leeyahay qorshooyin deg-deg ah oo uu ku weerarayo danaha reer galbeedka, haddii ay dhacdo in ay dareemaan in lagu soo duulay, ama ay rumeysan yihiin inay soo food saartay khatar jirta. “Bishii Jannaayo 2020 ay dowladda Ingiriiska ayaa ururka Xisbullah ku dartay liiska ururada argagixisada, taas oo macnaheedu yahay in ay dambi tahay la macaamilkooda, qaadashada fikradahooda, kor u qaadida halku-dhiggooda,ama in wax dhaqaale ah loogu deeqo. Tan iyo horraantii 2003-dii, laamaha ammaanka ee Lubnaan waxay ku hawlanaayeen sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxaha “argagixisada”bishii Luulyo ee isla sannadkaas, booliiska Lubnaan ayaa gacan ku dhigay kooxo ka kooban 5 xubnood oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar lagu qaado bartilmaameedyada reer galbeedka ee Lubnaan. Warbixin qiimeyn ah oo ay sii daysay safaaradda Ingiriiska ee dalka lubnaan ayaa lagu sheegay in Lubnaan aysan door weyn ku lahyen la-dagaallanka kooxaha argagixisada,” iyo in ay “naadir tahay” hawlgal laga fulinayo oo ay ka qayb qaadanayaan hay’adaha kala duwan. Mar ra’iisul wasaarihii hore ee Lubnaan Xariiri uu booqasho ku tagay magalada London safaaraddu waxay kula talisay inuu u muujiyo rabitaanka UK ee ah la helo “kaalinta Lubnaan ee dagaallka lagula jiro argagixisada.” Staffan de Mistura, oo aha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, ayaa codsaday in Lubnaan la saaro cadaadiska heerarka ugu sarreeya, si looga hortago xiisadda militari ee ka jirta xadka u dhexeeya Israai’iil iyo Lubnaan