Suldaan Maxamuud Guulleed Oo Sheegay In Shirkii Talo-Wadaag Ee Beesha Habar-Jecelo Aanay Colaad Gudoosan

0
341

Hargeysa(Geeska) Suldaan Maxamuud Guuleed oo kamid ah madhaxqameedka Beesha habar Jeclo ayaa cadeeyay in qodobadii ka soo baxay shirkoodii burco “Talo Wadaag” in aanay ku qaadanin dagaal islamarkaana ay jiraan dad dano siyaasadeed leh oo duwaya go,aamadii beeshiisa habarjeclo.

Suldaanku wuxuu sheegay in beeshu shirkoodu ka dhashay markii beesha Dhulbahante soo weerartay deegaanadda Buqdharkeyn iyo Qorilugud, wuxuuna tilmaamay in baaqii suldaankooda guudna uu la xidhiidhay wax iska celiya oo is difaaca. Dhanka kale, suldaanku wuxu Eedaymo u soo jeediyey siyaasiyiin Beesha ah, isaga oo ku tilmaamay in dagaalka ay ka leeyihiin dano siyaasadeed isla markaana ay yihiin kuwii horseedka u ahaa dagaalkii Somaliland ka dhacay 1994kii.

Suldaan Guleed ayaa beeshiisa ugu baaqay in loo baahan yahay in beeshu ay nabadda awooda saarto oo ay deegaanadooda ka dhigaan dekado qalalan oo ganacsi ka socdo, intii ay noqon lahaayeen meel dhaawaca lagu kala guro.  Sidoo kale wuxuu u soo jeediyay beesha Dhulbahante in laga arko nabadda ay doonayaan.

Suldaan Maxamuud oo Bulshada reer Somaliland u taqaano suldaan af-gaaban, dhaqan yaqaan ah, loogana baran eedamo ayaa hadalkiisu noqday mid aad loogu dhegtaagay.  Waxa suldaanka ayaa su’aal galiyey waxa xukuumadda Somaliland ay qorsho ka leedahay maxaabista iyo ciidamadeena laascanood ku xidhnaa, taas oo uu sheegay in aanay colaad hadda beesha habarjeclo gasho waxba u tarayn. Isaga oo raimahaas ka hadlaya wuxu yidhi suldaanku; “ Waxaynu u baahanahay in Caqligeenu shaqeeyo, dagaalka Meesha laga wadaana markii hore dagaal siyaasadeed buu ahaa, dagaalka siyaasadeedna waqti aad u kooban buu ku dhamaan karaa, cuqdadna ma reebo sida la ogyahay. Haye ahaate dagaalka qorshihiisa hada la wadaa waxaad modaa in la rabo in dagaal qabiil loo rogo, oo dagaal Dhulbahante iyo habar-jeclo u dhaxeeyo laga dhigo. Dagaalkaasi waa dagaal aad iyo aad u khatara, waxan ku wargalinayaa beeshayda oo aan u sheegayaa wax inaga inoo dana, Somaliland u dana, wadankeena u dana oo raggeena ciidamanda Somaliland ee xidhan u dan ah, oo Musqabalka iyo dhaqaalaha u dan ah, oo nolosheena u dana waxa weyaan in nabad la helo. Hadii aynu waxaas aynu ka soo sheekaynay arki waynana waxay ka dhigantahay in aynu wadadii halaaga cagta saarnay. Habarjeclo waxa la doonayaa in dagaal Qabiil oo riiq dheeraadda la galiyo, kaas oo aan ka duwaynaynkii kii 1994.

Ugu dambayn, waraysiga Suldaanka oo dheraa, wuxu Bogaadiyey Beelaha Somaliland ee nabad iyo Wada-hadal ku taageeraya Arimaha colaadda Barriga.