Ururka SOLJA Oo Cambaareeyay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Badhasabka Gobalka Saaxil

0
454

Xasan-MAxamed-YuusufHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa cambaareeyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) kaasi oo wakiiladda warbaahinta dalka ee ka hawl-gala gobolkaasi ugu hanjabay inuu ruqsad ku soo rogi doono.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo ugu horayn Shirkaas jaraa’id ka hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Aniga oo ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrin ku saaban hawlaha aanu masuulka uga nahay Saxaafada ama Suxufiyiinta dalka, arrintaas oo ah mid ku saabsan Guddoomiyaha Gobolka Saaxil (Ramaax) iyo dhaqan cusub oo ka soo ifbaxay Guddoomiyaha , Guddoomiyaha Gobolku wuxuu sameeyey kala takooris uu kala takoorayo Suxufiyiinta ka hawl-gala guud ahaan Gobolka Saaxil oo uu yidhaahdo Wargeyskaas iyo cidaas oo la sii dayn karo ama meel Dawladu leedahay geli kara oo war ka qaadan kartaa oo ka shaqayn kartaa ma jirto.”

Xasan Maxamed oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Taas oo macnaheedu noqon karo kii aan aniga ii muraad qoominaynin, wuxuu diiday inay war uu doontaan oo ay galaan goobaha ay shaqadu kaga xidhan tahay oo dhan markii ugu damabaysay Guddoomiyuhu wuxuu marayaa Qof Suxufiya oo aan aniga Liisan iga haysanin Wariye kama noqon karo Gobolka Saaxil, sidaa darteed Wargesyaday ku qoron tahay oo uu Guddoomiyuhu ku cadaynayo cid aan isaga ogolaansho ka haysan oo aanu isagu warqad u saxeexin inuu Wariye yahay in aanay ka shaqayn karin Gobolka Saaxil, runtii waa wax aad loola yaabo in Nin Guddoomiye Gobol ahi yidhaahdo anaa Liisanka Saxaafada bixiya oo anigaa aqoonsada Suxufiyiinta, Saxaafada iyo Suxufiyiintu waxay leeyihiin Ururo qaabilsan hawlaha Wariyayaasha ama hawlaha Saxaafada labadaba.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Guddoomiyaha waxaan leeyahay sida aad u dhaqmaysaa maaha si wanaagsan waa si laga qurux badan yahay waa si aad looga fiican yahay, Saxaafada iyo Suxufigu maaha qaar aad yeelanyso oo aad ku takri falayso oo ka ku diidana aad eryi doonto ka ku ogolaadana aad soo dhaweyn doonto oo Jeebka aad ku ridan doonto noqon mayso sidaa haddii aad ku sii socoto run ahaantii ILAAHAY jiritaankiisa sida aan u hubo ayaan u hubaa waxaad ka dhaxlaysaa inuu yahay magac xumo iyo dhiidhi inaad dhex fadhiisato oo dhaxal ay kuu noqon doonto inaan dhimanayo sidaan u ogahay ayaan u ogahay haddaad sidaa u dhaqanto oo aad ku sii socoto waa wax taariikhda soo maray oo la wada arko.”

Xasan Maxamed waxa uu u soo jeediyay gudoomiyaha in cidii ku xad-gudubta isaga uu u mari karo sharciga, isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Nin kasta oo Afka taaga anagaa ka shanayna, horena waan u idhiye dadkaad beri ka mid noqon doontaa waxaad dhitaysatayna wey kuu yaalaane si wanaagsan inaad u dhaqantaa adigay dani kugu jirtaa oo dalkay dani ugu jirtaa oo dadkay dani ugu jirtaa, wixii xad-gudub kugu sameeya xaq waxaad u leedahay inaad Maxkamadda u gudbisato oo aad tidhaahdo waa la igu qaldamay Wargeyskaasi waxaa iga qoray oo qalad igu sameeyay, Dacwad Maxkamadda ka furo Sharcibaynu leenahay, dalku Sharci buu leeyahay, Xeer 27-baa shaqeeya oo 2004-kii soo baxay Maxkamadduhuu yaalaa Dacwad qoroo ku oogoo haddii lagu helana waa lagu xukumi haddii lagu waayna halkaasu ka bixi doonaa Qofku, laakiin kaan Gaadhigayga saarnayni Magaaladdu ka baxayaa meel lagaga dhaqmo anagu manaan arag wuxuun baan u arkaa hadal af laga yidhi uun.”

“Saxaafada anagaa masuuliyiin u ah, Dawladana Wasaarada baa u qaabilsan oo ah Wasaarada Warfaafinta cid alaale iyo kugu ogol waxan aad ku dhaqamayso oo kugu raacsani ma jirto, Suxufiyiinta haddaanad adigu aqoonsanayn anagaa aqoonsan, anagaa og inay Suxufiyiin yihiin Liisanka aqoonsigoogana anagaa xaq u leh in aanu siino waanu ognahay inay Suxufiyiin yihiin, laakiin adiga waanu garan karnaa danta kugu jirta iyo ujeedada aad ka leedahay aqoonsi adiga kaagama baahna,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA.

Guddoomiyaha Ururka suxufiyiintu wuxuu u soo jeediyay Guddoomiyaha Saaxil inuu xadgudubka ka daayo warbaahinta isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu ku leenahay oo aanu kugula talinaynaa Guddoomiye shaqadaada ku eekow Saxaafadana xad gudubka ka daa Saxaafadu dhamaanteed kugu ma khaldami karto, haddii maalin maqaal la qoro aad diido oo aad Dacwad ka qabto Maxkamadda tag, laakiin anaa Liisanka bixiya oo Nin aan Liisan haysan Kaantaroolka kama soo gali karo wax shaqaynaya maaha waad ku riyootay hadalkaa, waxaanan kuu soo jeedinaynaa adiga iyo inta kula qabta-ba inay ka waantawdo waxyaabaha noocaas ah.”