Alle Haw Naxariisto Arday Iyo Hooyadood Oo Ku Geeriyoday Shil Baabuur

0
631

20120627025252Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay shil baabuur ku geeriyooday Hooyo Ifraax Cali iyo carruurteeda oo kala ahaa Hoodo Cumar Axmed iyo Khadar Cumar Axmed, waxaana ku dhaawacmay afar ruux oo kale.

Hooyada iyo carruurteeda ayaa waxa ay ka yimaadeen dugsiga sare ee Sheekh oo ay ka soo qaadeen Hoodo Axmed Cumar oo ahayd inanteeda oo ugu tallo galeen inay wakhtigeeda fasaxa dugsiga Hargeysa ku qaadato, waxaana la socday Khadar Cumar Axmed oo isna baabuurka u waday islamarkaana ay walaalo ahaayeen Hoodo. Geeridan naxdinta leh oo ka dhacday tuulada Diinqal ee isku xidha Hargeysa iyo Berbera, waxa la sheegay inay sababtay baabuurka ay wateen iyo baabuur kale oo ah nooca waaraadka loo yaqaan oo isku dhacay, waxaana ku dhaawacmay afar ruux oo kale oo la sheegay inay saarnaayeen baabuurka waaraadka ah oo isagu ku sii jeeday Berbera.

Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika, waxaanu tacsi u diraynaa guud ahaan maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Sheekh ee ay qoyskaasi ka geeriyoodeen. Sidoo kale waxaanu tacsi u diraynaa ehelada ay ka baxeen marxuumiintani.