Borama: Cisbitaal Loogu Magac Daray Dr. Cabdishakur Sh. Cali Jowhar Oo La Dhagax Dhigay

0
527

Dr. Cabdishakur Sh. CaliBorama(Geeska)-Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka,Warfaafinta, Qorsheynta qaranka iyo Dib u dejinta ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay Cisbitaalka Dhimirka ee magaalada Boorame. Cisbitaalkan oo loogu magac daray Dr Cabdirashiid Sh. cali Jawhar.

Dhakhtarkani oo hore uu dhismahiisa ugu talo jiray Dr Cabdirashiid ka hor intii aanu shil gaadhi ku dhiman bishii may ee sanadkan ayaa hadda waxaa la wareegay hirgelintiisa Qoyska Reer cali jawhar, iyadoo uu hawsha dhismaha fulinteedana mas’uul ka ahaan doono Sh cabdilaahi Sh cali jawhar oo ah Sheekhul Beledka Boorame.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta ahna afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Md Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo kulankaasi ka hadlaya ayaa ku nuuxnuuxsaday shaqsiyadii Dr cabdirashiid Sh cali Jawhar oo uu ku tilmaamay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee yaqaanay hawsha daaweynta Cudurada dhimirka.
Md Boobe oo ku hadlayey afka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka JSL waxuu goobtaasi ka ballanqaaday in xukuumaddu qaybteeda ku darsan doonto dhismaha Cisbitaalkaas, halka sidoo kalena uu ballanqadkiisa ku daray in warbaahinta qaranku ay bilaabi doonto barnaamijyo wacyigelineed oo qaadhaan loogu ururinayo dhismaha xarunta Cisbitaalka dhimirka ee Boorame.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Muxumud Maxamed (Xoog) oo isna munaasabadaa hadal ka jeediyey ayaa sheegay in bahda caafimaad ee Somaliland aanay marnaba illaawi doonin kaalintii uu kaga jiray Dr cabdirashiid Sh cali Jawhar, Cisbitaalkan Cudurada Dhimirka oo magacii Dr cabdirashiid qaadan doonana ma noqon doono ayuu yidhi Dr Xoog cisbitaal u shaqeeya reer Awdal ama reer Somaliland, laakiin waxa uu u adeegi doonaa cid kasta oo la tabaalaysan Cudurada Dhimirka.

Drs Adna Aadan oo hadal ka jeedisay kulankaasi ayaa soo bandhigtay codsi ku aaddan in qayb ka mid ah cisbitaalkan loogu talo galo in lagu tababaro hawlwadeenada caafimaad ee ka hawlgeli kara xarumaha iyo cisbitaalada cudurada dhimirka, maadaama aynaan dal ahaan haysan dad tababaro noocaas ah haysta.

Sheekhul Beledka Deegaanka Boorame Sh Cabdilaahi Sh Cali Jawhar ayaa isna uga mahadnaqay Mas’uuliyiintii Xukuumadda iyo Marti sharaftii kale ee ka soo qayb galay munaasabadda dhagax dhiga Cisbitaalka dhimirka ee Boorame, waxuuna soo dhoweeyey cid kasta oo gacan ka gaysanaysa Hirgelinta Cisbitaalkan oo laga dhisayo xaafadda Boqorre warsame ee Koonfurta Boorame.

waxaa kale oo munaasabadaas hadalo ka soo jeediyey Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka wasaaradda Qorsheynta qaranka Dr sacad cali Shire, wasiirka wasaarad

da dib u dejinta Cabdirisaaq cali Cismaan, maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Boorame, Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.