Ururka SODRA Oo Abaal Marino Gudoonsiiyey Shakhsiyaad Kala Duwan

0
576

Picture3Hargeysa(Geeska)-Ururka horumarinta iyo cilmi baadhista ee SODRA ayaa abaal marinta sanadka ee Danta Guud iyo Daryeelka Bulshada gudoonsiiyey Masuuliyiinta, ururada iyo shakhsiyaadka uu ururku SODRA  u arkay inay horumar bulshada ku soo kordhiyey sanadkii tegay ee 2013-ka.

Xaflada abaal marinta sanadka lagu guddoonsiinayey Masuuliyiinta, ururada iyo shakhsiyaadka uu ururku SODRA  u arkay inay horumar bulshada ku soo kordhiyey sanadkii tegay ee 2013-ka ayaa lagu qabtay Hudheelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin iyo marti sharaf tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Marwada Madaxweynaha Aamina Sh. Maxamuud Jirde, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka qorshaynta qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Agaasimayeyaal, Maareeyayaal iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Gudoomiyaha Ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqalle oo munaasidaasi kahadlay Ayaa sheegay inay Munaasibadani Sanadlaha ah u qabtaan sidii ay Bulshadda inta Uheellan Horumarka ladhiirigaliyo. Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina -waris Sheekh Maxamuud Jirde oo Madashaasi ka hadashay ayaa dhalinyarada Somaliland ku amaantay inay ka soo baxeen kaalintii ay masuuliyadda ugu jireen dalka Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Qorshaynta qaranka Sacad Cali Shire iyo wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay Muhiimada ay leedahey in ladhiirigeliyo inta uheelan horumarka.

Xafladan ayaa laga soo jeediyey hadalo tiro badan oo ku taxaluqa dhiirigalinta iyo muhiimada ay u leedahay bulshada . Gunaanaadkii waxaa abaalmarino Awards lagudoonsiiyey 60 Qof oo ka kalla socday Qaybaha kalladuwan ee Bulshadda ee uu ururku ku qiimeeyey kaalinta ay kagajiraan Horumarinta Bulshada. Marwada Koowaad ee Qaranka Aamina Sh.Maxamed Jirde Wasiirada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale,Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire,Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed(Xaqlo Toosiye),Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan,Duulista Iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi,Beeraha Faarax Cilmi geedoole Iyo Diinta Iyo Aqaafta Sh.Khaliila Cabdilaahi Axmed.Gudoomiyaha Bank,Cabdi Dirir Cabdi,Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal iisaanka Fadxiya Xuseen,Maareeyaha Dekeda Berbara Eng.Cali Xoor Xoor,Maareeyaha Hayada Mucaawanooyinka Qaranka ee Yusuf Garas,Maareeyaha Tvga Qaranka Khadar Xasan Cali gaas,Latilahayaasha Madaxweynaha ee Haweenka Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo Arimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi Batuun,Agaasimayaasha Guud Ee Kaluumaysiga Iyo Tacliinta Sare Maxamed Cilmi Aadan Iyo Khadar Axmed Diiriye,Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan),.Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar Iyo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamerji,Safiirka Somaliland Ee Sweden Roda Jaamac Cilmi,Maayirada Magaalooyinka Gabiley Iyo Berbera Shucayb Maxamed Muuse iyo Cabdishakuur Ciddin,Shirkadaha Somtel,Sagal jet,Somcable,Indhadeero Group,Raaxo Taxi,Jaamacadaha Hargeysa,Golis,Alpha,Islamic Online iyo Eelo,Dugsiyadda Noradiin, Hayadaha Unhabitat Iyo Caritas ,Urrurada Sonsaf,Sonyo,Adem Academy, Dhallinyaro Hal Abuur Shaqo Sameeyey sida Hiddo Acadamy,Aragsan,Som Events,Mohamed Life Class,Safari Tourism,Naciima Cabdilaahi Galiixi ,Qoraa Siciid Gaheyr ,Maxamed Axmed Maxamuud Barwaani,Sheekh Maxamed Aadan,Suldaan Ibraahim jaamac Samatar,Suldaan Abu Sufyaan,Suldaan Axmed Dahir, Yusuf Daahir Iyo Daahir Xudhuun,Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Ilig,Ciyaar Yahan Cumar Henery,Macalin Cabdi Ismaaciil,Wariye Cabdixakiin Shirwac,Wariye Cabdisalaan Abu Hurayra Iyo HCTV.