Jaamacada Admas Oo Daahfurtay Waxbashada Master Oo Online Looga Dhiganayo Dalka Jarmalka

0
752

admaHargeysa(Geeska)-Jaamacada Admas ayaa daahfurtay Waxbarasho Cusub taasi oo ah Master oo ka imanaysa Dalka Jarmalka. Munaasibad balaadhan oo lagu daah furayey Barnaamijkan Waxbarasho oo lgu qabtay Mansor Hotel ee Magaalada Hargeysa  ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Masuuliyiinta Jaamacada Admas, madaxda Jaamcada Lubeck University iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta Jamacada Admas oo furitaankii Munaasibaasi ka hadlay ayaa Ugu horeyn waxay halkaasi sharaax kaga bixiyey  siday ku keenta Jaamacadu habkan Online-ka ah Axmed Daahir Maxamed waxaanu ku bilaabay  “Waxa Caawa Farxad noo ah inaan halkan u fadhinayo in waxbrashada qaybta heerka sare ee Master program dalka ka mida Europe gaar ahaan Germany Barnaamijkan ka keeno oo Soo socday Muda affar sano ah Jaamacad ay dawladu leedahay oo ah Jaacadadaha ugu waaweyn ee Lubeck University oo nagala joogaan madaxdii Jaamcadaasi .”

Axmed Daahir Maxamed oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu  faahfaahin ka bixiyey Barnaamijkan waxbarasho “Barnaamijkan oo in mudo ah soo socday noomay suurto galin inay sidi aanu doonaynay wax noogu bilaabmaan Dawlada Germany Waydiiday inay Master Buuxa si toosa u bixiso Somaliland oo Xaaladeeda aad ogtihiin Ictiraaf la’aanta aynaan wali haysan Aqoonsi inaynaan wali Xidhiidh toosay Bulshada la wada lahayn Caqabadao badan oo jiray awgeed waxay Jaamacadu noo soo ogolaatay in tijaabadii ugu horaysay  oo ku bilaabmaysa Post graduate couses ka mida Masterta la qaadan doono Ardayda Reer Somaliland ma la jaanqaadi karaan ardayda dhigata Lubeck University barnaamijyada Oline ku baxaya  waxa wax ka barta arday joogta aduunka oo dhan, Ardaydaa Caalamka ee waxbaranaysa Ardayda Reer Somaliland ma yihiin kuwo la jaan qaadi jara markaa waxa tijaabo ahaan  lanoo soo siiyey labadii Course ee ugu horeeyey oo qiimaha 75% ay jaamacada Germany kabayso maadaa oo ay jaamacad dawliya tahay ayaa la noosoo saxeeyey oo aanu ku guulaysanay”

Madaxweynaha Jaamacada Lubeck University ayaa Munaasibaasi Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey waxaanu ku dheeraaday siyaabaha kale duwan ee ay wax barashada u bixiyaan taasi oo ay arday tiro badan hab online ah ku dhigtaan oo ay ka mid noqondoonaan Ardayda haatan Jaamacada Admas ee Jamhuuriyada Somaliland uga qayb gali doona  waxaanu tilmaama inay Aqoon Badan ay k afaa iidi doonaan.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Tiknoologiyada  Aden Axmed Warsame oo madashaasi hadalo kooban ka jeediyey ayaa aad ugu dhiiri galiyey dhamaan shacbiga  reer Somaliland Dhalinyarta iyo dadka waaweynba inay k a faa’iidaystaan Aqoontaasi.
Madaxweyne ku xigeen Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo Gaba badii Munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidh “Waxa farxad weyn inoo ah in Jaamacada Admas oo hawl wayn gashay oo dalka iyo dadkaba wax u taraysa, Citiraafkiibayba ka qayb qaateenoo ninkasta oo Caalamka inooga yimaadaa Somaliland Safiirbuu u yahay, markuu noqdo wuxuu dadka u sheegayaa inaynu dal gaara nahay Dal nidaamkiisu dhisan yahay oo la yidhaa Jamhuuriyada Somaliland, cidkasta oo timaadaana waxay arkaysaa Runta taala Somaliland Admas masuuliyiinteedun Aad bay ugu mahad sanyihiin Barnaamijkan ay inoo keeneen”.