Ururka Saxaafada Ee SOLJA Oo Doortay Hoggaan Cusub

0
844

Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii afraad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa shalay  lagu soo gabo gabeeyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa waxaana lagu doortay Hoggaan cusub.

Shirweynaha afraad ee Ururka SOLJA waxa lagu doortay 15 Xubnood oo ah Gudida fulinta ee Ururkaasi, kuwaasi oo iyaguna iska sii dhex doortay Gudoomiye, Guddoomiye Ku Xigeen iyo Xoghaye guud.
Waxa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Ururuka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Gudoomiye Ku Xigeenna waxa loo doortay Saleebaan Ibraahim (Saleebaan Guray),halka Xoghayaha guud ee Ururka SOLJA loo doortay Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax.
Hoggaanka cusub ee la doortay ayaa u mahad celiyay ergadii shirweynaha afraad ee codka aqlabiyadda ah ku doortay, waxaanay balan qaadeen inay sadexda sanadood ee ay maamulka ururkaasi hayaan ay dedaal weyn u geli doonaan sidii ay ururkaasi u dhaqaajin lahaayeen waxaanay ku doodeen inay ka shaqayn doonaan danaha iyo kor u qaadida xubnaha Suxufiyiinta Somaliland ee ku bahoobay ururkaasi