Guddoomiyaha Dahabshiil Oo Deeq-Horaad Dhan US$100 000 Ku Taakulaynaya Dadka Abaaruhu Riiqeen Ee Koonfurta Somaliya

0
857

guoodmiye

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil,  Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in deeq-horaad degdeg ah oo dhan  boqol kun oo Dollarka Maraykanka ah

Shirkaduhu gaadhsiinayaan dadka abaaraha darani ku tahluukeeyeen gobollada koonfureed ee Somaliya, iyada oo qoondadii shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu weli aanay soo dhammaan oo ku xigi doonto.

Guddoomiyaha oo xafiiskiisa  kulan saxaafadeed  kooban ku qabtay waxa uu mar kale ku celiyey sida uu uga jidhiidhicooday heerka ba’an ee abaaraha daba dheeraaday u ragaadiyeen dadkii xoolaleyda ama beeraleyda ahaa ee gobollo badan oo koonfurta Somalia ah, iyada oo maanta boqollaal kun qarka u saaran yihiin macaluul baahsan oo gaag-ma-reeba ah.

“Waxa yaboohdani daba joogtaa, “ ayuu yidhi Guddoomiyuhu “baaqii guud iyo bayaankii aan kaga dhawaaqay xidhitaankii  aqoon-isweydaarsigii Wakiillada laamaha Gudaha ee shirkadda ee 21 July ku qabsoomay Hotel Maansoor, Hargeysa. Ujeedaduna waxay tahay in dadkaa ay maanta tabaaleeyeen abaaruhu l ficil loogu gurmado oo wixii la tari karo lala gaadho, siiba xilligan oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan ku soo beegmay”.

Waxa Guddoomiyuhu baaq cod dheer ah u jeediyey cid kasta oo wax taaran kartaa dadkaasi, waxana uu yidhi: “hay’ado iyo dadyaw ka fogfog dadkan ayaa soo bilqaabay waxtar, waxa se intaba uga dhow oo la dhashay waa dadka magaca Soomaali ku abtirsada oo dhan oo ay isku diin iyo dhaqanba yihiin. Sidaa darteed, “ ayuu ku daray Guddomiyuhu “waxan ugu baaqayaa ganacsatada, culimada, dadweynaha iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo idil inay iyagu tallaabada hore qaadaan oo qof walbi wixii uu huri karo kaga qayb qaato gurmadkaa walaalaheen”.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu hoosta ka xarriiqay in taakulo balladhan oo walaaltinimo ay gacanta ku hayaan shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu si ay gacan uga geystaan hawlaha samafalka ah ee lagu badbaadinayo dadkaa masiibada dabiiciga ahi ku habsatey.

Waxa uu Guddoomiyuhu mahadcelin iyo duco ballaadhan u diray shakhsiyaadka iyo hay’adaha isku hawlay samata-bixinta dadkan ku caydhoobay abaaraha, waxana uu iyaga iyo dadka tabaaloobeyba Ilaahay uga baryey inuu meel roon mariyo, inta culyaska iyo dhibtu haysana ka dul qaado oo Eebbe ugu beddelo raxmad iyo naxariis taam ah.