Ururka Qareenada Somaliland Oo Shalay Doortay Hoggaan Cusub

0
659

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii 3aad ee ururka Qareenada Somaliland, ayaa shalay loogu doortay hoggaan cusub oo ururka u qaban doona hoggaanka labada sannadood ee soo socda.

Ergada qareenada ah ee shirkaas ka qayb gashay waxa ay shalay guddoomiye u doorteen garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis, halka ku xigeena loo doortay garyaqaan Xasan Cali Xasan (Banfas), iyadoo xoghayena loo doortay Maxamed Maxamuud Xaashi.

Shirweynaha ururka qareenada Somaliland, waxa kale oo shalay lagu doortay 12 xubnood oo ah Board-ka ururkaas ee labada sannadood ee soo socda.

Masuuliyiinta hoggaaminta ururkan loo doortay oo halkaas ka hadlay ayaa ergada uga mahadceliyay sida ay xulkaas ugu doorteen, waxaanay balan qaadeen inay si mug leh u gudan doonaan waajibaadka loo xilsaaray.