Kulmiey wa xusbul xaakimkii maaha inu inaga burburo sidii UDUB?

10
692

 

Anigoo ah runtii xubin ka tirsam xisbi mucaarid ah, waxan maanta oo ay bishu tahay 31 Marso aad ugu farxsan nahay Qabsoomida shirka golaha dhex ee xisbiga kulmiye oo runtii dadbadani walaac badan ka qabeen,

waxan joogay Hargeysa labadii bilood ee u danbeyay waxan dareemayay in olole bani ka dhex socdo xisbiga kulmiye oo runtii burburin kara qabsoomida shirka golaha dhex ee xisbiga, wa ilaahey mahadii hadii ay ka gudbeen maanta burbur iyo shakigii laga qabay loolanka siyaasadeed ee xisbiga dhexdiisa ka holcayay..

Somalidu waxay tidhaahda doqontu waxay mooda in la kala tagayo marka la ficil tamayo – kulmiye wa xisbul xaakimkii dalkeena maamulkiisa gacanta ku hayay maanta maaha inu inaga burburo hadii u burburo waxaan aaminsanahey inu dhaawac weyn u geysan karo jiritaankeena qarannimo.. waxaynu wali la dhutineynaa dhibaatadii iyo hadimadii inaga so gaadhey xisbigii qaran ee inaga burburey ee UDUB, waxaynu wali ka so kaban la nahay dhibaatadii loo geystey xisbiga qaran ee UCID, ee markii danbe ilaahey badbaadiyay.. xusbi inaga burbura dhibaato weyn bu qaranka u leeyahay ee yaan waxba lagu farxin xisbi inaga burbura..

 Waxa kaloon aad ugu faraxsan naay go'aanka geesinimada leh ee u madaxweyn Sillaanayo ku diiday inu ka qeybgalo shirka somaliya loogu qabaneyo lONDON bisha danbe… dhawaaqa madaxweynaa ka so yeedhay ee ah waxan la tashaneyaa golayaasha iyo asxaabta qaran waan ku hambalyeeynaya talaabadaasi hadii u madaxweynuhu kaga dhabeyo waxaynu noqon doona qaran meel u wada jeeda oo isgarab gala… guul baan kulmiy u rajeynayaa iyo tawfiq..

Waxan dalkeyga iyo dadkeyga u rajeynayaa guul iyo barwaaqo, waxan leeyahay gacmo wadajir bey wax ku go'ooyin karaan maanta meel kaste duufano iyo cadawo baa inoo so miliqsaneya oo an ogoleyn wadajirkeena iyo hormarkeena wa in meel looga so wada jeeda jiritaanka dalkeen.. maaha in aynu ku jirno waran waran ka horgee iwm, runtii waxan ka codsanaya madaxweynaha iyo goloyaasha qarankuba in ay dhameynaan khilaafiyada maanta ka jira dalkeena oo muhiim ah in loo guntado sidii loo dhameyn laha…

Guul baan u rajeynaya JSLand 

Omar Darood Hassan 
Gud. Nordic ee xisbiga UCID
Norway

Comments are closed.